Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uul ka tirsan maamulka HirShabelle oo lagu dilay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Agaasimihii Waaxda Arrimaha Diinta ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowlad goboleedka HirShabelle, Dr. Maxamed Cabdi Cali (Dr. Gaalib) ayaa lagu khaarajiyay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii Dr-ka ku dilay xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, iyadoo wararka ay sheegayaan in kooxdii falka ka dambeysay ay si deg-deg ah uga baxsadeen goobta.

Dr. Gaalib ayaa ka mid ahaa dhalinyarada aqoonyahanka ah ee si weyn looga garanayo magaalada Jowhar, isagoo kasoo shaqeeyay meelo kala duwan oo la xiriira caafimaadka iyo arrimaha bulshada. Dilkiisa lama oga ciddii ka dambeysay, balse falkaasi wuxuu gilgilay bulshada deegaanka oo aad uga argagaxday dilka agaasimaha.

Laamaha ammaanka ayaa bilaabay baaritaanno ay ku raadinayaan gacan ku dhiigleyaasha dilka geystay, hase yeeshee ilaa iyo hadda lama shaacin cid loo qabtay ama si cad looga tuhmayo weerarka. Warbaahinta ayaa la xaqiijiyay in ay socdaan howlgallo lagu ogaanayo xogta ka dambeysa falkaasi naxdinta leh.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Hirshabelle, Xildhibaan Cali Cismaan Ibraahim (Cali Ciiley), ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka, eheladiisa iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda. Wuxuu sidoo kale faray hay’adaha ammaanka in la dadajiyo baaritaanka isla markaana caddaaladda la horkeeno kuwii falkaasi geystay.

War qoraal ah oo uu wasiirku soo saaray ayaa lagu muujiyay sida uu uga xun yahay geerida agaasimaha, isagoo ku tilmaamay shaqsi firfircoon oo kaalin mug leh ka qaatay arrimaha wacyigelinta bulshada iyo barnaamijyada horumarinta. Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Jowhar in ay garab siiyaan hay’adaha ammaanka si loosoo qabto dambiilayaasha.

Dr. Gaalib ayaa maalmihii u dambeeyay ka shaqeynayay wacyigelin iyo baraarujin ku saabsan arrimaha bulshada, isagoo kulamo la yeeshay arday iyo macallimiin ku sugan iskuulo iyo jaamacado ku yaalla Jowhar. Dadaalladaas ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo bulshada loogu dhiirri-gelinayay iskaashi iyo ka hortagga kooxaha dhibaatada ku haya nabadda iyo horumarka deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this