Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF iyo Macawiisleda oo weeraray goob ay isku uruursanayeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal culus oo ay maanta qaadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ku sugaan xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada huwanta ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday maleeshiyada Al-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, waxayna gaarsiiyeen khasaare culus.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen goobta ay isku uruursanayeen, kadibna uu xigay dagaal toos ah oo qarxay, kaas oo socda illaa hadda.

“Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa mar kale saakay weerar culus ku qaaday goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah ee dhaca dhulka howdka ah ee soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Cadowga Khawaarijta waxaa loogu galay goob ay isku uruursanayeen, halkaas oo hadda uu ka socdo dagaal culus,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay weli kusii siqayaan dhulka hawdka ah ee  dhexeeya labada gobol.

Howlgallada ayaa waxaa barbar socda duqeymo lagu garaacayo Al-Shabaab ku sugan labada gobol, iyada oo illaa degmada Aadan Yabaal ay garaaceen diyaaraduhu.

Duqeymaha qaar ayaa waxaa lala helay gaadiid ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo gurmad ahaan uga soo baxay deegaanka Ceel Cali Axmed, iyaga oo kusoo socday dhanka degmada Aadan Yabaal, si ay xoojiyaan Al-Shabaabka kale ee ku sugan halkaasi.

Saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhacay dagaal la isku riiqmay, hoggaamiyihii ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda Xawaadle Cabdi Guumey ayaa ka mid ah geesiyaasha ku shahiiday dagaalkaas, sidoo kale tobanaan askari ayaa uga dhimatay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab oo la isugu daray weerarro toos ah, iska caabinta weerarro ay soo qaadeen iyo weerarro jid gal ah ayaa lagu laayey soohdinta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana hadda la isla gaaray aagga Al-kowsar iyo Aadan-yabaal oo caawa Al-Shabaab ka qaxayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this