Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo shir deg-deg ah ku yeelanaya Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa in haatan shir deg-deg ah ay ku yeeshaan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, iyaga oo ka arrisan doono xaaladda dalka iyo khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa goordhow ka baxay magaalada Boosaaso, isaga oo u duulay Addis Ababa, kadibna uga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee uu hadda ku sugan yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in labada madaxweyne ay is arki doonaan, kadibna ay yeelaan doonaan kulan u gaar ah oo ay uga hadli doonaan xiisadda taagan.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa horay u kala tegay, wixii ka dambeeyay doorashadii Soomaaliya, waxaase haatan ay wajahaan xaalad isku mid ah, maadaama labada nin uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in shirkooda ay diiradda ku saari doonaan sida loo wajahayo dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee ay waddo Villa Soomaaliya oo ay ugu horreyso arrinta doorashada oo haatan banaanka ay ka joogaan maamullada Jubaland iyo Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Axaddii iska xaadiriyay Nairobi ayaa halkaasi ka waday qorshe ka dhan ah dowladda federaalka, isaga oo la shiray wakiilada beesha caalamka iyo saraakiil ka kala tirsan dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo uu kala hadlay xiisadda taagan.

Sidoo kale wuxuu la kulmay qaar kamid ah xildhibaannada federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee deggan magaaladaasi, iyaga iska xog wareystay xaaladda dalka.

Haddii uu Deni tego Nairobi, isla markaana ay is arkaan Axmed Madoobe ayaa waxa ay u badan tahay in marka hore qorsheeyaan dhabaha cusub ee ay qaadayaan, maadaama ay yihiin saaxibo hore oo kala tegay, hadana ay isku keentay duruufta isku midka ah ee ay wajahayaan.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana is haya dowadda dhexe, Jubaland, Puntland iyo mucaarada, kadib markii ay isku fahmi waayeen dastuurka iyo doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this