Sign in to follow this  
Deeq A.

Fartaag oo war culus kasoo saaray weerarada hoobiyeyaasha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo maanta ka qayb-galay munaasabad ka dhacday degmada Dayniile ayaa si adag uga hadlay weerarada hoobiyeyaasha ee lagu garaaco magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kuwaas oo kordhay maalmihii lasoo dhaafay.

Fartaag ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan degmooyinka ku yaalla cirifyada ‘ee mararka qaar laga soo tuuro madaafiicda, wuxuuna ka dalbaday inay ka shaqeeyaan amniga oo gacan saar la yeeshaan hay’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya

“Waxaa la’idinka baahan yahay maadaama aa tihiin degmooyinka daafaha ku yaalla laga soo bilaabo Gubadley, Daarusalaam, Dayniile, Garasbaaley iyo Kaxda oo dariseen la leedihiin gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose inaad amniga ku fiirisaan indho dhow” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu reer Dayniile ku amaanay isku tashiga ay sameeyeen, isaga oo qiray in lixdii bildood ee lasoo dhaafay aan wax hoobiye ah laga soo tuurin gudaha degmadaasi.

“Waxaan ku amaanayaa Dayniile lixdii bilood ee ugu dambeysay hal madfac oo laga soo tuuray kuma soo dhicin magaalada Muqdisho, waana dadaal aad muujiseen” ayuu raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo aroornimadii hore ee saaka tiro hoobiyaal ah lagu garaacay qeybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kuwaas oo qaarkood ku dhaceen gudaha xerada Xalane ee xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Goobjoogayaal ku sugnaa agagaarka garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney maqleen ilaa afar jug oo is xig-xigay, kuwaas oo si gaar ah ugu dhacay agagaarka garoonka. Waxaana la tilmaamay in jugta hoobiyaashaas ay abuurayeen cabsi iyo dareen amni darro oo ku faaftay qeybo ka mid ah degmada.

Daqiiqado kadib weerarka ayaa kooxda Al-Shabaab sheegatay mas’uuliyadda, iyagoo fariin ku baahiyay baraha Internet-ka ay ku leeyihiin, taasoo ay ku sheegeen iney iyagu fuliyeen weerarka lagu beegsaday xerada Xalane.

Kooxda ayaa horey ugu caan baxday weerarro isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsado xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo horey u bartilmaameedsatay xeradan iyo dhismaha xarunta wayn ee madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli amniga caasimadda soo hagaagayo, iyadoo la ogyahay in xerada Xalane ay tahay mid ka mid ah meelaha ugu amniga badan magaalada, maadaama ay hoy u tahay ciidamo badan oo ka socda Midowga Afrika iyo shaqaale caalami ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this