Sign in to follow this  
Deeq A.

Nacasnimada iyo waallida Xasan Sheekh oo god ku ridday rajadii Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20250419-WA0009.jpg

Nacasnimada iyo waallida Xasan Sheekh oo god ku ridday rajadii Soomaaliya
Iyo xalka mushkiladda Soomaaliya

Bal eega ninka aan 3km oo Muqdisho ah aan xukumin, ee Xalane aan geli karayn ilaa Ciidanka Midowga Afrika ay baadhaan oo ay hubiyaan in aannu khatar ku ahayn ajnebiga deggan xerada Xalane.
Intaas oo safar ee uu galay saddexdii sanno ee u aha Madaxweynaha dalka fashilmay ee Soomaaliya (the failed state of Somalia), waxa lagu tilmaami karaa uun waalli cas.
Waxa taas ka daran Xasan SM ma aha madaxa dawlad ku sheegga dalka ee Ra’iisal-wasaaraha ayaa ah sida distoorkoodu qorayo HSM waa madaxa dalka. Waxa uu la mid yahay Madaxweyneyaasha Talyaaniga, Itoobiya, Jarmalka iyo dawladaha ku dhaqma nidaamka baarlamaaniga (Parliamentary system).
Sidaa darteed, waxa muuqata nacasnimada iyo waallida Xasan Sheekh oo god dheer ku riday rajadii dalka Soomaaliya ee caalamku tacabka badan geliyey.
Eesh qiyaasak nacas waashay!
Xalka mushkiladda Soomaaliya ee xaqiiqda ka tarjumaya (Reality in Ground):
1- In adduunku siiyo Jamhuuriyadda Somaliland ictiraafka ay xaqa u leedahay;
2- In Garoowe la siiyo maamul-goboleed hoose, inta Gobollada Dhexe iyo Koonfur-galbeed ee Soomaaliya la hagaajinayo;
3- In maamulka Gobollada Dhexe iyo Koonfur-galbeed la hoosgeeyo Qarammada Midoobay (UN trusteeship),
Puntlandna la siiyo maamul-hoosaad.

GrVGq1aXQAACAgW.jpeg

Siyaasi Faysal Cali Waraabe

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this