Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland ayaa Qaabilay Wufuud Caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qaabilay Wufuud Caalami ah iyo Ciyaatoy-ga Caanka ah ee Kanu Nwankwo.
img_2_1747680623575.jpg

img_4_1747680660708.jpg

img_1_1747680606094.jpg

img_3_1747680640944.jpg

img_5_1747680682667.jpg

img_6_1747680706753.jpg
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wufuud heer Caalami ah oo ka kala socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland, kuwaasi oo u yimid ka qayb-galka Xuska Sannad-guurada 34-aad ee maalinta dib-ula-soo noqoshada Qarannimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wufuuddan ayaa ka kala socotay Waddamada Boqortooyada Ingiriiska (UK), UAE, Kenya, Djibouti iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya (DDSI), kuwaasi oo muujiyey taageeradooda iyo garab istaaggooda Shacabka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Wufuuda uga mahad celiyey sida sharafta leh ee ay uga soo qayb galeen Munaasibadda Xuska18-ka May, isaga oo xusay in Somaliland ay si weyn u qadarinayso xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqaynta ay la leedahay Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka ay wufuuddu ka socdeen.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Ciyaartoy-ga Caanka ku ah Kubadda Cagta ee Kanu Nwankwo oo hore ugu safan jiray Xulka Qaranka Dalka Nigeria iyo Kooxaha Arsenal iyo Inter Milan oo isagu ka mid ahaa Marti Sharafta ka soo qayb gashay Xuska 18-ka May ee Sannadka 2025-ka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si diirran u soo dhaweeyey Kanu, isaga oo uga mahad celiyey booqashada uu ku yimid Somaliland iyo doorka uu ka qaatay kor u qaadista sumcadda iyo muuqaalka wanaagsan ee Somaliland ku leedahay dunida.

Munaasabidda Sannad-guurada 34-aad ee dib ula soo noqoshada Madax-bannaannida iyo Qarannimada Jamhuuriyadda
Somaliland ayaa Sanadkan si gaar ah u ahayd mid heer Caalami ah, taas oo muujinaysa isbeddelka iyo horumarka la taaban karo ee ay Somaliland ku tallaabsatay muddada ay jirtay.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ),
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this