Deeq A. Posted 10 hours ago Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qaabilay Wufuud Caalami ah iyo Ciyaatoy-ga Caanka ah ee Kanu Nwankwo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wufuud heer Caalami ah oo ka kala socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland, kuwaasi oo u yimid ka qayb-galka Xuska Sannad-guurada 34-aad ee maalinta dib-ula-soo noqoshada Qarannimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Wufuuddan ayaa ka kala socotay Waddamada Boqortooyada Ingiriiska (UK), UAE, Kenya, Djibouti iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya (DDSI), kuwaasi oo muujiyey taageeradooda iyo garab istaaggooda Shacabka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Wufuuda uga mahad celiyey sida sharafta leh ee ay uga soo qayb galeen Munaasibadda Xuska18-ka May, isaga oo xusay in Somaliland ay si weyn u qadarinayso xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqaynta ay la leedahay Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka ay wufuuddu ka socdeen. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Ciyaartoy-ga Caanka ku ah Kubadda Cagta ee Kanu Nwankwo oo hore ugu safan jiray Xulka Qaranka Dalka Nigeria iyo Kooxaha Arsenal iyo Inter Milan oo isagu ka mid ahaa Marti Sharafta ka soo qayb gashay Xuska 18-ka May ee Sannadka 2025-ka. Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si diirran u soo dhaweeyey Kanu, isaga oo uga mahad celiyey booqashada uu ku yimid Somaliland iyo doorka uu ka qaatay kor u qaadista sumcadda iyo muuqaalka wanaagsan ee Somaliland ku leedahay dunida. Munaasabidda Sannad-guurada 34-aad ee dib ula soo noqoshada Madax-bannaannida iyo Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Sanadkan si gaar ah u ahayd mid heer Caalami ah, taas oo muujinaysa isbeddelka iyo horumarka la taaban karo ee ay Somaliland ku tallaabsatay muddada ay jirtay. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News Share this post Link to post Share on other sites