Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal Sare oo Ka Tirsanaa ISIS oo Lagu Dilay Buuraleyda Cal Miskaad

Recommended Posts

Deeq A.   

War rasmi ah oo kasoo baxay masuuliyiinta amniga Puntland ayaa xaqiijiyay in howlgal milatari oo ay fuliyeen ciidanka dhulka iyo diyaarado duqeyn sameeyay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda ISIS ee ka howlgasha gudaha Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ahmed Muuse Siciid, waxaana uu ahaa xiriiriyaha u dhexeeya hoggaanka ISIS iyo dagaalyahannada shisheeye.

Ahmed Muuse Siciid wuxuu sidoo kale lafdhabar u ahaa kooxda, isagoo si gaar ah ugu dhawaa labada hogaamiye ee ugu sarreeya kooxda ISIS ee Soomaaliya: Sheekh Cabdulqaadir Muumin iyo Cabdiraxmaan Fahiye.

Wararka ayaa sheegaya in lagu beegsaday degaanka Guryasamo, oo ku teedsan bariga deegaanka Dhaadaar, kuna yaalla buuraleyda Cal Miskaad.

Sawirro la baahiyay ayaa muujinayay meydka Ahmed Muuse Siciid iyo dagaalyahan kale oo la socday.

Masuuliyiinta ammaanka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in goobtii lagu dilay sarkaalkaasi laga helay xog muhiim ah oo la xiriirta qorsheyaasha kooxda iyo xiriirkeeda dibadda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this