Deeq A. Posted May 19 Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Axadii gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa halkaasi ka bilaabay qorshe culus iyo abaabul ka dhan ah dowladda dhexe. Axmed Madoobe ayaa haatan wada kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin saraakiil ka tirsan dowladda Kenya iyo kuwa kale oo ka socda dalka Itoobiya, isagoo kala hadlayo iskaashiga Jubaland kala dhexeeya Nairobi iyo Addis Ababa. Sidoo kale kulamadan waxaa qayb ka ah Wakiilada beesha caalamka, xildhibaannada mucaaradka iyo siyaasiyiinta ku sugan gudaha magaaladaasi, isaga oo kala hadlayo xaaladaha kasoo kordhay dalka. Ujeedka ugu wayn ee Axmed Madoobe ayaa ah sidii uga hortagi lahaa damaca dowladda ee ku aadan, sidii isaga meesha looga saari lahaa, maadaama weli xiisaddu halkeedii tahay. Xubnaha uu la kulmay madaxweynaha Jubaland waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Golaha Shacabka, kaas oo kamid ah xubnaha sida wayn u macaarada xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo ka wada-hadaly arrimo dhowr ah, gaar ahaan xiisadda sii kululaaneyso ee u dhexeyso dowladda federaalka iyo Jubbaland. “Caawa waxaan ku kulanay magaalada Nairobi, madaxweynaha jubbaland Sayid Ahmed Mohamed Islaan, oo lagu yaqaan markuu dagaalka kujiro inuu farxad iyo qurux kaqaado,” ayuu ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare). Dhaq-dhaqaaqa uu Axmed Madoobe ka wada Kenya ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan khilaafka u dhexeeya Kismaayo iyo Muqdisho uu yeeshay waji cusub, waxaana hadda si wayn looga dareemayaa gobolka Gedo oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen labada dhinac. Gedo ayaa waxaa haatan ku gacan sarreysa dowladda dhexe, waxayna isku fidisay inta badan degmooyinka gobolkaas, marka laga reebo Doolow, waxaana ka howl-gala ciidanka xoogga dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay maamul ugu dhiseyso Jubaland, arrintaas oo sii xoogeystay kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo qaaday xiisadda taagan, waxaana lagu go’aamiyay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda Jubbaland. Sidoo kale arrinka Jubaland ayaa waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. “Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas. Share this post Link to post Share on other sites