Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo wax ka bedel ku sameysay siyaasadda howlgallada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku dhawaaqay in uu joojinayo shaacinta macluumaadka la xiriira khasaaraha ka dhasha duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo maamulka cusub ee Madaxweyne Donald Trump uu wali dejinayo siyaasaddiisa amni iyo militari ee gobolka.

Tan iyo markii Trump xafiiska la wareegay, Mareykanka ayaa fuliyay ugu yaraan 24 duqeyn oo ka dhacay Soomaaliya, kuwaasoo lagu beegsaday xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee ka howl-gasha Puntland. Weeraradan ayaa qeyb ka ah dagaalka Mareykanka uu ku taageerayo dowladda Soomaaliya ee la tacaaleysa kooxaha xagjirka ah.

AFRICOM ayaa horay si joogto ah u shaacin jirtay khasaaraha weeraradaas, iyadoo war-saxaafadeedkii 12-ka April lagu sheegay in hal xubnood oo ka tirsan Daacish lagu dilay duqeyn. Si kastaba, bayaanka dambe ayaa laga reebay tirooyinka khasaaraha iyo waxyeellada shacabka.

Taliska AFRICOM ayaa sabab uga dhigay go’aankan in la ilaaliyo amniga howl-galada, iyagoo sheegay in aysan shaacin doonin faah-faahinta gaarka ah ee cutubyada iyo qalabka militari ee la adeegsanayo. Afhayeenka AFRICOM, Lt. Col. Doug Halleaux, ayaa sheegay in ay go’aansadeen in si ku-meel-gaar ah loo joojiyo shaacinta khasaaraha, maadaama maamulka cusub uu weli dejinayo siyaasadiisa.

Col. Halleaux wuxuu intaas ku daray in AFRICOM ay sii wadi doonto daabacaadda warbixino saddexdii biloodba mar ah oo ay ku faahfaahin doonaan haddii uu jiro khasaare soo gaaray shacabka. Wuxuu tilmaamay in duqeymihii u dambeeyay aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka Soomaaliyeed.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli Mareykanka uu sidoo kale hoos u dhigay daah-furnaanta weerarada uu ka fuliyo dalka Yemen. Taliska CENTCOM oo ka mas’uul ah gobolkaas ayaa muddo ku dhow lix toddobaad aan wax xog ah ka bixin khasaaraha shacabka, iyadoo Yemen Data Project ay sheegtay in duqeymahaas ay sababeen dhimashada in ka badan 200 oo qof oo shacab ah.

Tallaabadan AFRICOM ayaa dhalisay su’aalo la xiriira hufnaanta iyo isla xisaabtanka ku aaddan howl-gallada Mareykanka ee dibadda, gaar ahaan marka ay saameeyaan shacabka rayidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this