Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1747656957660.jpg?resize=720%2C53

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland, Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa shaqa-joojin saddex bilood ah ku samaysay Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaraddaasi, Cabdicasiis Cali Axmed.

Warqad shaqa-joojin ah oo ka soo baxday Xafiiska Wasiirka, Ubax Cabdirashiid Maxamed ayay mudda saddex bilood ah shaqada kaga joojiyay Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Puntland, Cabdicasiis Cali Axmed.

Wasiir Ubax Cabdirashiid, waxay ku sababaysay Warqadda Shaqa-joojinta xil gudasho la’aan iyo amar-diido uu sameeyay Agaasime Cabdicasiis Cali Axmed, taasi oo ay dheertahay in uu si qaldan u adeegsaday awooddiisa, islamarkaana is hor-taag iyo carqaladayn ku sameeyay Shaqadii Wasaaradda, siday sheegtay Wasiir Ubax.

“Ka dib markaan arkay inuusan soo xaadirin shaqada si joogto ah uusana fasax ku maqnayn, shaqadiina dayac ka yimid.Waxaan go’aamiyay maanta oo taariikhdu tahay 18/May/2025 inaan mudo kooban shaqada ka joojiyay Cabdicasiis Cali Axmed agaasimihii Maamulka iyo maaliyada ee Wasaarada Gargaarka” ayay Wasiir Ubax ku qortay warqadda shaqa-joojinta.

“Hadaba, si wasaaraddu u dardar geliso waajibaadkeeda shaqo ay u hayso bulshada, laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 18/May/2025, waxaan si ku meelgaar ah ugu igmaday (magacaabay) shaqada agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka uu sii ahaado Abdimalik Mohamed Abdullahi” ayay sii raacisay qoraalkeeda.

IMG-20250519-WA0000.jpg?resize=831%2C108

PUNTLAND POST

The post Agaasimihii Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Puntland oo shaqa joojin lagu sameeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this