Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Imaaraatiga Carbeed oo markab Raashin ah u soo dirtay Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1747668223010.jpg?resize=720%2C48

Markab Raashin ah oo ay soo dirtay dowladda Imaaraatiga Carbeed ayaa maanta ku soo xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Markabkan oo sida mucaawino ka kooban noocyada kala duwan ee Raashinka ayay dowladda Imaaraatiga u soo wakiilatay hay’adda Bisha Cas ee dalkaas ,taasi oo soo gaarsiisay dekedda magaalada Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo lagu wado in ay markabkan Raashinka ah kala wareegaan hay’adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa laga soo xigtay in mucaawinada saaran ay ka kooban tahay 220 Ton oo qeybaha kala duwan ee Raashinka ah.

Mucaawinadan Raashinka ah ee la keenay Boosaaso ayaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta Puntland u qeybiyaan bulshada u baahan ee ku nool degaannada Puntland, gaar ahaanna dadkii uu saameeyay dagaalkii Calmiskaad ee ciribtirka argagixisada Daacish.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Imaaraatiga Carbeed oo markab Raashin ah u soo dirtay Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this