Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta askari xabad dhashiike ku dilay taliyihii guutadiisa – Maxaa ka dhacay Hiiraan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Moqokori (Caasimada Online) – Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa galabta toogtay taliyihii guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga G/Sare Cabdiraxmaan Xujaale, dilkaas ayaa ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, wax yar ka hor salaadii Maqrib.

Mabaax waa deegaan u dhaxeeya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan iyo Degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas waxay ciidanku kula dagaalameen kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa dhacay dilka Taliyaha.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaabkii loo dilay Taliyaha, waxaana xubno goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online inuu dilay askari ka tirsan ciidanka, kaas oo ku dhuftay xabad Dhashiike.

Sababta Taliyaha loogu dhuftay xabadaas waxay dadka qaar ku sheegeen in askarigu uu ku mashquulsanaa cilad-bixinta qorigaas, isla markaana ay ka fakatay xabadda ku dhacday Taliyaha.

Dagaal soo bilowday maanta duhurkii ayey ciidanku ka soo baxeen wax yar ka hor markii la dilay Taliye Cabdiraxmaan Xujaale, waxaana ciidanka la isugu goob banaanka ka ah deegaanka Mabaax, halkaas ayaa lagu toogtay Taliyaha.

Askarigii dilka geystay ayaa lasoo xiray, wuxuuna sheegay in xabadu uga fakatay Taliyaha oo ku talagal uusan u toogan, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo ka tirsan ciidanka.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dagaalkaas ka sheegatay guul, balse wararka aan helnay waxay sheegayaan in maanta lagu jebiyey dagaalka, kadib markii looga hor tegay meel aysan ka filaneyn ciidanka.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer isku soo abaabulay inay qabsadaan Mabaax, Moqokori iyo deegaano kale oo muhiim ah, balse waxaa jilibka dhigtay oo taas ka hor istaagay macawiisleyda deegaanka iyo ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Hiiraan.

Kooxda oo qabsatay qeybo badan oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa hadda u jeesatay sidii ay u qabsan laheyd Hiiraan, balse waxay jab culus kala kulmeen dadka reer Hiiraan oo diiday inay fursad siiyaan cadowga.

Ilo wareedyo noo waramay waxay sheegeen in Shabaab ay hadda quusteen oo qarka u saaran yihiin inay iska dhaafaan Hiiraan oo fooda ay geli waayeen, kuna dhamaadeen weerarro ay isku dayeen inay ku qabsadaan deegaano ka tirsan gobolkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this