Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kulanka dhex-maray FIQI iyo Thaabit Al-Cabaasi? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Baqdaad (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan magaalada Baqdaad ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq Thaabit Al-Cabaasi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa saraakiil sare oo Ciraaqi ah, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan iskaashiga milatariga iyo wada-shaqeynta istaraatijiyadeed.

Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen arrimaha difaaca iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, si la isku dhaafsado khibradaha la dagaalanka argagixisada.

Thaabit Al-Cabaasi oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in khibradooda militeriga la wadaagi doonaan Soomaaliya, isaga oo xusay in labada dal ay soo mareen dagaallo duruufo isku mid ah oo ka dhashay dagaallo sokeeye oo ay ku dhex jireen muddo dheer.

Dhiniciisa wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo hadalka qaatay ayaa uga mahadceliyay dowladda Ciraaq martigelinta iyo soo dhaweynta heerka sare ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay danaynayso dhisidda iskaashi joogto ah oo wax ku ool ah oo u dhexeeya labada wadan.

Fiqi ayaa qayb ka ah wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo dalkaas uga qayb-galay Meertada 34-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda  Carabta oo ka qabsoomay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, halkaas oo uu madaxweynuhu ka jeediyay khudbad wax ku ool ah oo uu kaga hadlay xaaladda dalka, mowqifka Soomaaliya ee arrimaha gobolka iyo Carabta.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xoogga saaray mowqifka joogtada ah ee Soomaaliya ee ku aaddan qaddiyadda Falastiin, isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka reer Falastiin, gaar ahaan xilligan adag ee ay la kulmayaan duullaanka iyo gabood-fallada ka socda Marinka Qasa.

Waxaa kale oo uu ku taliyay in la dhiso dowlad madax banaan oo ay leeyihiin shacabka reer Falastiin, xarunteeduna ay tahay magaalada Qudus.

“Qaddiyadda Falastiin waa imtixaan ina horyaal Carabteenna; Soomaali ahaan, waxaan qabnaa in la dhiso Dowlad Falastiin ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna ay tahay magaalada Quddus” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Si kastaba ha’ahaatee, Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa haatan daneynaya in ay sare u qaadaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo tababarka Ciidanka milatariga, waxaana dhowaan arrimahaas Muqdishi u yimid wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.

498306921_1214266980739906_6619446408941 498637520_1214266967406574_4507630278061 499199395_1214267030739901_7317738019847 20250518_051733.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this