Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Midowga Afrika oo ka fikiraya arrin xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa si weyn ula daala dhacaya saameynta ka dhalatay dhaqaale yaraan soo wajahday howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya, kaas oo illaa iyo hadda aan helin taageeradii loo baahnaa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Midowga Afrika uu hadda ka fekerayo inuu yareeyo howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), haddii aan si degdeg ah loo helin maalgelin lagu taageero sii socoshada howlgalkan muhiimka u ah dalka Soomaaliya.

Warbixin lagu daabacay Crisis Group ayaa lagu sheegay in maalgelin la’aanta AUSSOM ay saameyn xooggan ku yeelatay howlgalkan cusub, islamarkaana ay si taban u saamaysay waddamada ay ciidamadoodu ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Ururka ayaa sidoo kale qorsheynaya in shirweyne weyn la qabto, kaas oo ka dhici doona Dooxa ama London, si dhaqaale loogu raadiyo howlgalka Soomaaliya, loogana hortago in kooxaha argagixisada — ee muddada dheer ay la dagaalamayeen — ay helaan fursado ay dib ugu xoogsadaan.

Sida la ogsoon yahay, howlgalka AUSSOM wuxuu beddel u yahay howlgalka ATMIS, kaas oo la filayo in si rasmi ah loo soo gebogabeeyo ka hor 30-ka bisha Juun ee sanadkan 2025.

Si kastaba ha ahaatee, tirada ciidamada AUSSOM ayaa la kordhiyay, balse weli waxaa jira caqabado la xiriira maalgelin oo hor taagan hirgelinta qorshahaas.

Qaraar horay uu u meel mariyay Golaha Ammaanka oo tirsigiisu yahay 2767 ayaa dhigaya in la sameeyo saddex ikhtiyaar oo lagu maalgelin karo AUSSOM, kuwaas oo midkood yahay in mas’uuliyadda si istiraatijiyadeysan loo wadaago, iyadoo u dhexeysa Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Dhankiisa, Mareykanka oo weli ka caga jiidaya taageerada Midowga Afrika iyo saaxiibadiisaba ayaan weli soo bandhigin xalal dhaqaale oo wax ku ool ah, oo ka baxsan Qaraarka 2719.

Haddii xaaladdan ay sidaas ku sii socoto, waxa ay dhaawac weyn gaarsiin doontaa sumcadda iyo howlmaalmeedka AUSSOM, sida uu horay u sheegay madaxa howlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Sivuyile Bam, oo walaac xooggan ka muujiyay mustaqbalka howlgalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this