Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mugdi hareeyey fulinta Heshiiskii Ankara iyo qodobo weli la isku mari la’yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Mugdi sii xoogeysanaya ayaa hareeyay mustaqbalka Heshiiskii Ankara, kaasoo ah hindise diblomaasiyadeed oo ay Turkigu garwadeen ka ahaayeen, lana saxiixay 12-kii December 2024, si loo gaaro heshiis dhammaystiran oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ka hor Juun 2025.

Inkastoo muddadaasi ay ahayd mid degdeg ah oo muhiim u ah gobolka, haddana labada dowladood midkoodna si cad ugama hadlin halka ay marayaan wadahadalladu, taasoo dhalisay tuhun xooggan oo muujinaya in geeddi-socodku hakad galay.

Heshiiska Ankara markii hore waxaa loo arkayay guul diblomaasiyadeed oo lagu qaboojiyay xiisaddii cirka isku shareertay ee u dhexeysay labada dal, kadib markii Itoobiya ay 1-dii Janaayo 2024 la saxiixatay Somaliland heshiis muran dhaliyay (MoU), kaasoo Itoobiya u oggolaanaya inay si toos ah uga faa’iidaysato dekedda Berbera.

Soomaaliya waxay heshiiskaas ku tilmaantay xadgudub cad oo lagu sameeyay madax-bannaanideeda. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska Ankara waxba kama uu xusin MoU-gaasi — arrin hadda loo arko inay ka mid tahay khaladaadka weyn ee curyaamiyay hannaanka wadahadallada.

Khilaafka Badda Cas oo ah caqabadda ugu weyn

Ilo-wareedyo xog ogaal u ah wada-hadallada ayaa sheegay in qodobka ugu adag ee aan weli xal laga gaarin uu yahay diidmada cad ee Soomaaliya ee ku aaddan in Itoobiya si toos ah loogu oggolaado marin badeed oo Badda Cas ah.

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa taa beddelkeeda soo jeediyay in Itoobiya loo oggolaado marin xaddidan oo ah deked ku taalla Badweynta Hindiya sida Hobyo ama Kismaayo — iyagoo ku dooday in taas lagu dabooli karo baahida Itoobiya ee saadka, iyada oo aan la waxyeelleyn madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Hase yeeshee, xitaa dalabkan ayaa la sheegay inuu yahay mid muran dhaliyay. Itoobiya waxay dooneysaa inay hesho xukun buuxa ama xuquuq hawlgal muddo dheer ah, halka Soomaaliya si adag u diiddan tahay in heshiis kasta lagu bixiyo wax ka dhan ah madax-bannaanideeda. Qorshaha Soomaaliya wuxuu dhigayaa in Itoobiya loo oggolaado inay isticmaasho ama kireysato dekedaha iyadoo si buuxda u hoos imaanaysa sharciyada iyo maamulada Soomaaliyeed.

“Ma jiro meel siyaasadeed oo Soomaaliya ka bannaan in Itoobiya lagu wareejiyo deked istiraatiiji ah ama dhul xeebeed muhiim ah,” ayuu yiri sarkaal sare oo Soomaali ah oo codsaday inaan la magacaabin, lana hadlay Caasimada Online.

“Shacabka si wayn ayay uga soo horjeedaan arrintaas. Haddii wax laga hadli karo, waa heshiis marin xaddidan ah oo muddo kooban soconaya, si buuxda uga hoos shaqeynaya dowladda Soomaaliya.”

Wadahadallada oo hakad galay iyo Turkiga oo aamusan

Ilo-wareedyo u dhow geeddi-socodka wada-hadallada ayaa tilmaamaya in hanaanku uu si tartiib ah u istaagayo. Inkastoo kulammo heer sare ah lagu qabtay Ankara iyo meelo kale, lama gaarin wax horumar la taaban karo.

“Wadahadalladu waxay u muuqdaan kuwo u badan dhinaca muuqaalka iyo xafladaha halkii laga filayay wax ka qabashada arrimaha dhabtaa,” ayuu yiri ilo-diblomaasiyadeed oo la hadlay Caasimada Online.

Aamusnaanta Turkiga — oo ah dalka martigeliyay wada-hadallada — ayaa sii kordhisay shakiyaasha, iyadoo Ankara aysan dhawaanahan bixin wax war ah oo ku saabsan halka ay marayaan wadahadalladu. Falanqeeyayaal ayaa rumeysan in aamusnaantaasi ay muujin karto niyad-jab ku yimid doorkii dhexdhexaadinta, ama in Turkigu uu dib u eegayo kaalintiisa dhexdhexaadnimo.

Khabiirro arrimaha gobolka ayaa uga digaya in fashilka wadahadalladani uu keeni karo cawaaqib halis ah oo saameyn ku yeesha Geeska Afrika oo durba ah mid xasillooni darro ka jirto. “Soomaaliya iyo Itoobiya waxay laf-dhabar u yihiin amniga gobolka,” ayuu yiri Dr. Axmed Ismaaciil, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho.

“Haddii geeddi-socodkani burburo, waxaa laga yaabaa inuu kiciyo xiisado hor leh, wiiqo amniga, isla markaana uu abuuro fursad cusub oo ay quwadaha shisheeye si toos ah saameyn ugu yeeshaan gobolka.”

Itoobiya, oo ah waddanka ugu dadka badan ee aan bad lahayn caalamka, ayaa muddo dheer raadineysay marinno badeed oo kala duwan. Ku tiirsanaanteeda Dekedda Jabuuti ayaa ku kalliftay inay baarto ikhtiyaarro kale, oo ay ka mid tahay heshiiska muranka badan dhaliyay ee ay la gashay Somaliland. Soomaaliya dhankeeda, waxay u aragtaa damacyada Itoobiya ee badeedka — gaar ahaan kuwa aan sharciyeysnayn — inay khatar toos ah ku yihiin jiritaanka iyo midnimada qaran ee Soomaaliya.

Iyadoo mudda-xileedka Juun 2025 uu si dhakhso ah usoo dhowaanayo, isla markaana aysan jirin wax natiijooyin muuqda ah oo kasoo baxay bilo wadahadallo ah, ayaa la rumeysan yahay in rajadii laga qabay heshiiska Ankara ay sii yaraaneyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this