Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo safar dibadeed u galay qorshe ka dhan ah DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho qaadan doonta dhowr cisho.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Axmed Madoobe ayaa Nairobi ka bilaabi doono qorshe culus oo ka dhan ah dowladda federaalka oo haatan ay si wayn isku hayaan, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ka sameynaya magaaladaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ujeedka ugu wayn ee Axmed Madoobe uu yahay la kulanka xubnaha beesha caalamka ee ku sugan halkaasi, isaga oo kala hadli doono xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo haatan kasii dartay, kadib Shirkii Golaha Wadatashiga ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu la kulmi doonaa madax ka tirsan dowladda Kenya iyo Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi, isaga oo kala hadli doono xaaladda cakiran ee Jubaland.

Khilaafka u dhexeeya Kismaayo iyo Muqdisho ayaa haatan yeeshay waji cusub, waxaana hadda si wayn looga dareemayaa gobolka Gedo oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen labada dhinac.

Gedo ayaa waxaa haatan ku gacan sarreysa dowladda dhexe, waxayna isku fidisay inta badan degmooyinka gobolkaas, marka laga reebo Doolow, waxaana ka howl-gala ciidanka xoogga dalka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa wadda qorshe ay maamul ugu dhiseyso Jubaland, arrintaas oo sii xoogeystay kadib shirkii Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu soo qaaday xiisadda taagan, waxaana lagu go’aamiyay in loo baahan yahay in sharci loo wajaho xaaladda Jubbaland.

Sidoo kale arrinka Jubaland ayaa waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Dagaalka xooggan ee u dhexeeya labada dhinac ayaa muddo dheer soo socday, waxaana la xasuustaa fadeexaddii ka dhacday Raaskambooni oo lagu soo jabiyay ciidamada dowladda.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this