Sign in to follow this  
Deeq A.

IMAARAADKA CARABTA oo qaaday tallaabo si weyn uga careysiisay dowladda…

Recommended Posts

Deeq A.   

Khartoum (Caasimada Online) – Dowladda Suudaan ee uu hoggaamiyo milatariga ayaa Sabtidii si kulul ugu eedeysay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) in ay musaafurisay shaqaalaha qunsuliyadda guud ee Suudaan ee magaalada Dubai, muddo ku dhowaad laba toddobaad kadib markii ay Suudaan si rasmi ah u jartay xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Imaaraadka.

Xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa si weyn u cirka isku shareertay tan iyo horraantii bishii May, xilligaas oo duqeymo nooca drone-ka ah lagu qaaday goobo muhiim ah oo ku yaalla Port Sudan—oo ah xarunta kumeel-gaarka ah ee dowladda militariga—taas oo ahayd markii ugu horreysay ee weerarro noocan ah lagu qaado magaalada tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Dowladda Khartoum ayaa ku eedeysay Imaaraadka in uu hub siiyay maleeshiyada RSF, kuwaas oo ay dagaal culus kula jiraan tan iyo bishii April 2023, isla markaana weerarro ku qaaday xarunta ay u asteeyeen inay tahay caasimadda dagaalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in maalmihii la soo dhaafay ay dowladda Imaaraadku “musaafurisay inta badan shaqaalihii ka tirsanaa qunsuliyadda guud ee Suudaan ee Dubai iyada oo aan wax sabab ah loo caddaynin.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diblomaasiyiintaas “lagu hayey muddo siddeed saacadood ah” gudaha garoonka diyaaradaha ee Dubai, kadib markii ay dhammeeyeen dhammaan habraacyadii bixitaankooda.

Intii lagu guda jiray waqtigaas, wasaaraddu waxay sheegtay in la su’aalay, lana baaray qalabkooda shaqo sida telefoonno iyo kombiyuutarro. Tallaabadan ayay Khartoum ku tilmaantay “xadgudub weyn oo si toos ah uga hor imaanaya xeerarka caalamiga ah ee diblomaasiyadda.”

“Dhacdadan aan horay loo arag waxay muujinaysaa dayacaad culus oo ay muujisay dowladda Imaaraadku xagga waajibaadka ay ka saaran yihiin ilaalinta diblomaasiyiinta, sida ku cad shuruucda caalamiga ah oo u dammaanad qaada xasaanadooda iyo mudnaantooda,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.

Bayaanka ayaa intaa ku daray: “Falkan wuxuu sidoo kale caddeynayaa niyad xumo loo qabo muwaadiniinta Suudaan ee ku nool gudaha Imaaraadka.”

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaan si degdeg ah uga jawaabin eedeymahan.

Inkasta oo Imaaraadku si joogto ah u beeniyay in uu taageero siiyo RSF, haddana warbixino laga helay khubaro Qaramada Midoobay, siyaasiyiin Mareykan ah iyo hay’ado caalami ah ayaa si cad u sheegay in uu jiro xiriir taageero ah oo u dhexeeya labada dhinac.

Horraantii bishan, duqeymo drone ah ayaa lala beegsaday kaabeyaasha muhiimka ah ee magaalada Port Sudan, oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee kaliya ee shaqeynaya, keydka shidaalka ugu weyn ee magaalada, iyo xarunta ugu muhiimsan ee korontada.

Ciidamada milatariga Suudaan ayaa si toos ah farta ugu fiiqay RSF, iyagoo ku eedeeyay in ay yihiin “wakiillo si toos ah ugu adeega” dowladda Imaaraadka.

Dagaalka Suudaan oo hadda galay sannadkii saddexaad ayaa sababay geerida tobannaan kun oo qof, barakaca in ka badan 13 milyan oo ruux, wuxuuna sababay xaaladda bini’aadantinimo ee ugu liidatay dunida maanta.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this