Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax culus oo ka dhacay xero ciidan oo ku taalla Muqdisho + Khasaaraha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay xero ciidan oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, taas oo lagu magacaabo Damaanyo, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Qaraxa oo ismiidaamin ahaa, isla markaana uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha ayaa lagu soo warramayaa in lala beesaday dhalinyaro qoraneysay ciidamada oo safaf dhaadheer ugu jiray ilinka xeradaas, si ay ugu biiraan ciidanka Xoogga dalka.

Wararka aya intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare xoogleh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhalinyaradii ku sugneyd goobta, sida ay muujinayaan muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada.

Ku dhowaad 20 qof oo dhimasho ah iyo dhaawac intaasi ka badan ayaa lasoo wariyay, waxayna u badan yihiin dhalinyaradii isku diiwaangelinayay inay noqdaan ciidan cusub.

Xaaladda ayaa cakiran, waxaana kooban macluumaadka laga helayo goobta, maadaama meesha ay wax ka dhaceen ay tahay xero ciidan.

Sidoo kale, waxaa goobta deg deg u tegay saraakiil ka tirsan ciidamda Xoogga dalka, kuwaas oo haatan wada baaris ku aadan sida ay wax u dhaceen, si loo ogaado cidda fududeysay iyo kuwa fuliyay weerarka

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi qaraxa ah  ee ka dhacay xerada Damaanyo ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale weeraro qaraxyo ah uga fulisay xeryo ciidan oo ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana kamid ah oo ay horay u beegsaday xerada Warshadda Nacnaca, kuliyadda Jaalle Siyaad ee xarumo kale oo muhiim ah.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyay xaaladda ammaan ee Muqdisho ay ahayd mid deggan, isla markaana ka caaganeyd, weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ee Al-Shabaab, waxaana howlgallo joogta ah ka waday ciidamada dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this