Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Iyo Waxyaabahii lagaga hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

img_1_1747249166129.jpg

img_2_1747249189449.jpg

Fadhigii 20-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isla markaana uu wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Fadhigan ayaa ahaa mid si weyn loogaga arrinsaday Xuska iyo Weynaynta 18-ka May oo ah Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL, gudaha dalka iyo daafaha caalamkaba.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada waxa hoosta laga xarriiqay in 18-ka May ay ku suntan tahay Maalinta Dareen-wadareedka Midnimo iyo Wadajirka Shacabka qiimaha leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha iyo dibeddaba.

Ajendaha Fadhigii 20-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada JSL qodobada maanta mudnaanta lahaa waxa ka mid ahaa:

𝟏) 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐢𝐥𝐨𝐨𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Golaha Wasiirrada JSL waxa uu warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku uu sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka oo sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan.

𝟐. 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐞 𝐞𝐞 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha warbixin guud ka siiyey xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha guud ahaan, gaar ahaan ururinta cashuuraha GST. Wasiirku waxa uu sheegay in koboca
Dakhliga Qaranku uu yahay mid isa soo taraya, maalinba maalinta ka dambaysa.

𝟑) 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡, 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐞𝐞𝐥-𝐀𝐟𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐬𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga Mudane Maxamed Yuusuf Cali (oo ka mid ahaa Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka JSL) ayaa Golaha Wasiirrada JSL warbixin waafiya ka siiyey marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen saddex arrimood ee kala ahaa: Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah, Nabadaynta Ceel-Afweyn iyo Diwaangelinta Casriga ah ee Ciidamada; arrimahan oo run ahaantii ahaa kuwo Qaranka JSL u lahaa muhimmad gaar ah. Wasiirku waxa uu sheegay in ay jireen caqabado door ah oo ka horyimid, hawlahaasina ay ahaayeen kuwo u baahnaa ku dhac iyo geesinnimo. Wasiirku waxa uu sheegay, gargaarka Allah SWT ka sokow, in Madaxweynaha JSL uu ahaa ka mar walba la garab taagnaa go’aan adag iyo wax kasta oo ay hawlahaasi ku hirgeleyaanba.

𝟒) 𝐗𝐚𝐧𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐝𝐞𝐞𝐜𝐚𝐝𝐚:

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Dr. Xuseen Bashiir Xirsi ayaa Golaha Wasiirrada warbixin guud ka siiyey xanuunka Jadeecada oo ka dillaacay qaar ka mid ah Gobollada dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in ka Wasaarad ahaan ay juhdi iyo dedaal badanba gelinayaan sidii xanuunka Jadeecada loo xakamayn lahaa. Waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay bilaabayso wacyigelinta bulshada iyo dar-dar gelinta tallaalka carruurta ay da’doodu ka yar tahay 5 sannadood.

𝟓) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha Mudane Saciid Maxamuud Buraale ayaa Golaha Wasiirrada uga xog warramay safar shaqo oo isaga iyo team-kiisu ay ku tageen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan Dubai, kadib casuumad rasmi ah oo ay u fidisay Shirkadda Caalamiga ah ee Maamulka Dekedaha DP World. Wasiirku waxa uu sheegay in uu halkaa ku soo arkay arrimo cashar iyo waayo-aragnimo laga baran karo oo la xidhiidha qaabka uu dal u horumari karo.

𝟔) 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧 𝐮 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐠𝐚𝐫𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟏𝟖-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐲:

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa Golaha siiyey warbixin la xidhiidha hab-sami-u-socodka u diyaargarowga Xuska Maalinta Dib-ula-soo-noqoshada Qarannimada iyo Madax-bannaanida JSL. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay hab-raacyada iyo hab-maamuuska sannadkan loo qorsheeyey Xuska Maalinta Qaran. Wasiirku waxa uu sheegay in sannadkan Wasaaradda Waxbarashadu ay door muhiim ah ku leedahay u diyaargarowga 18-ka May, iyaga oo ardayda Dugsiyada dalka si weyn ugu baraarujiyey Xuska 18-ka May.

𝟕) 𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥-𝐝𝐚𝐚𝐝𝐞𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚:

Golaha Wasiirrada JSL waxa ay mar kale Fadhigii 20-aad kaga doodeen Nidaamka Maamul-daadejinta Dawliga ah (decentralization) ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka, gaar ahaan: 1) Maamul-daadejin Siyaasadeed; 2) Maamul-daadejin xagga Maamulka ah; iyo 3) Maamul-daadejin Miisaaniyadeed.

Dooddii Golaha Wasiirradu waxa ay dhammaantood hoosta ka xarriiqeen in Maamul-daadejintu ay awoodaynayso go’aan-qaadashada heer deegaan, isla markaana ay xoojinayso isla-xisaabtanka iyo kor-joogtaynta bixinta adeegyada bulshada ku habboon.

Gabagabadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa doodii Golaha Wasiirrada fadhiyadii 19-aad iyo 20-aad, waxa uu Golaha faray in arrinta Maamul-daadejinta loo baahan yahay in loo saaro Guddi ka kooban Golaha Wasiirrada iyo khubaro aqoon u leh mawduucan, iyadoo lagu salaynayo tilmaamaha Dastuurka Qaranka.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫),
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this