Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Dawladaha Hoose iyo horumarinta magaalooyinka Oo ka hadlay mudaharaadkii Burco ka dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) oo ka hadlay mudaharaadkii maanta ka dhacay magaalada Burco, ayaa sheegay in dadweynaha la gaadhsiiyey war been-abuura oo la xidhiidha in maxaabiis dagaal lagu soo daray liiska maxaabiista Madaxweynuhu cafinayo munaasibadda xuska 18 May awgeed.

“Maxaabiista la sii daayo 18 May waa kuwo la isla yaqaano oo sannad walba waa la sii daayaa, waxaana munaasibadaasi lagu sii daaya dadka xadhigoodu soo gaabto, kuwa aan sannado badan ku xukunayn iyo maxaabiista u xidhan dambiyada fudud oo qudha, markaa munaasibad walba, 18 May ha ahaato ama ramadaan ha ahaatee maxbuus dagaal lagu sii dayn maayo cafis Madaxweyne, qof walibana taas wuu garanayaa oo xiitaa ilaa carruurta ayaa garanaysa,” ayuu Wasiir Xasan Macallin oo Hargeysa kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland.

“Taayir la gubo waxba u tari maayo maxaabiista ku xidhan Laascaanood, xilkooduna Xukuumadda ayuu saaran yahay, sidii ay u soo dayn lahaayeen ee guryahoodii loogu soo celin lahaana anaga oo Ilaahay la kaashanayna waa hawl u taala Xukuumadda talada haysaa ee aan ka midka ahay. Qof shicib ah iyo ehelkooda midna uma taalo ee waxa aan leeyahay dadka ehelka ahi ha isdejiyaan,waxaana laga yaabaa inay dadka mudaharaadaya ay kicinayaan dad aan dan ka lahayn ehelka iyo maxaabiista xidhan oo aan weligood ku fikirin sidii loo soo dayn lahaa,” ayuu yidhi Wasiir Xasan Macallin.

Saab

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this