Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa u qabsoomay Xasan Sheekh saddex sano kadib?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa maanta oo ah 15-ka May 2025 u buuxsantay saddex sano oo muddo xileedkiisa kamid ah, waxayna dib u doorashadiisu ahayd maanta oo kale 15-kii May ee sanadkii 2022-kii, xilligaas oo uu ka guuleystay madaxweynihii xilligaasi joogay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Warbixin soo koobeysa waxqabadka madaxweynaha saddex sano kadib oo ay daabacday warbaahinta dowladda ayaa lagu soo bandhigay 10 qodob oo uu wax ka qabtay Xasan Sheekh.

Sida lagu sheegay qoraalka wuxuu madaxweynaha ku guuleystay xoreynta deegaanno muhiim ah iyo xasilintooda, kadib guluf ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Waxaa kale oo lagu xusay dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale qalabeynta ciidamada cirka ee Xoogag dalka Soomaaliyeed, maadaama dowaddu ay soo iibsatay diyaarado dagaal oo cusub.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ku faantay inay bilowday soo saarista khayraadka dabiiciga ah, maadaama haatan lagu howlan yahay soo saarista shidaalka.

Waxaa kale oo warbixinta lagu xusay in madaxweynuhu wax ka qabtay dhammeystirka qodobo kamid ah dastuurka dalka iyo daah-furnaanta doorashada dadweynaha, inkastoo uu weli ka taagan yahay muran xooggan iyo dood culus oo ay qabaan xubnaha mucaaradka dalka.

Sidoo kale waxa waxqabadka lagu soo qaaday guulaha ay dowladda federaalka ku tallaabsatay, sida qaadista cunaqabateynta hubka, dhammeystirka deyn cafinta dalka, ku guuleysiga kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika

Hoos ka akhriso 10 qodob oo lagu soo koobay waxqabadka madaxweynaha ee saddex sano kadib:-

1-Xoreynta iyo xasilinta dalka

2-bilowga soo saarista khayraadka dabiiciga ah ee dalka

3-Dhammeystirka cutubyo ka tirsan dastuurka federaalka

4-Daahfurka hanaanka doorashooyinka dadweynaha

5-Qaadista cunaqabateynta hubka

6-Dhammeystirka deyn cafinta dalka

7-Xoojinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo ku guuleysiga kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

8-Ku biirista urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika

9-Dib u dhiska ciidamada iyo qalabeynta ciidamada Cirka ee Xoogga dalka

10-Hormarinta tayada waxbarashada dalka iyo kordhinta macalimiinta qaranka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this