Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsida weerar ay DF ku qaado Jublanad oo korortay iyo digniin la soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah madaxdii hore ee Soomaaliya iyo hoggaamiyayaal xisbi oo miisaan leh ayaa si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee dalka ka taagan, si gaar ahna tan Jubaland.

Siyaasiyiintaan ayaa walaac ballaaran ka muujiyay jihada uu dalku u socdo iyo sida ay u arkaan in madaxweynuhu uga weecday doorkii laga sugayay. Madaxdaasi waxay shaaciyeen in gabi ahaanba ay dhimatay Madashii Wadatashiga Qaran, oo ahayd goobtii isku keenta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Dhanka kalena, siyaasiyiintaan ayaa ka digay fidno iyo dagaallo hor leh oo laga hurinayo deegaanada maamulka Jubbaland, xilli ay dowladda Soomaaliya qorshaynayso inay weerar ku qaaddo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Jawaabta degdegga ah ee Jubbaland ayaa daba socota go’aan culus oo ay maamulkan kasoo saareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, waxayna soo jeediyeen in si sharci ah loo wajaho xaaladda maamulkaas oo meel xun gaartay, si loo soo afjaro.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xaaladda Jubaland u xil-saaray inay ka soo talo-bixiso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo la faray inay keento xal rasmi ah, si loo helo dowlad-goboleed sharci ah.

“Golaha Wadatashiga Qaranka wuxuu isku raacay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad-goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad-goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.

Horey, Wasiirka Warfaafinta Jubbaland, Mudane Cabdifitaax Mukhtaar, oo qoraal soo saaray ayaa wax aan socon karin ku tilmaamay qodobada laga soo saaray shirkaas, isagoo tilmaamay in madaxda hal xisbi oo kaliya ay yeesheen shirka, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda hal xisbi shir-kooda, mana quseeyo Dowladda Jubbaland,” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ka dhex-qarxay labada dhinac, isla markaana dhaliyay saameyn xooggan oo gudaha dalka ah.

Si kastaba, arrinta ayaa u muuqata in weli dawladda dhexe aanay ka tanaasulin mowqifkeeda ku aadan Jubbaland, iyada oo dooneyso in meesha laga saaro Axmed Madoobe, waxaase la ogeyn qaabka ay u wajihi doonto, maadaama dagaalkii hore lagu fashilmay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this