Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo saaray digniintii ugu sarreysay oo ka dhan ah Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) — Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shalay soo saartay digniin safar heerka ugu sarreeya (Heer 4) oo ka dhan ah Soomaaliya, iyada oo sheegtay khataro isa soo taraya oo ay ka mid yihiin dambiyada hubeysan, argagixisada, qalalaasaha siyaasadeed, halista caafimaad, afduubka, burcad-badeedda, iyo adeegyada qunsuliyadeed ee aadka u xaddidan.

Digniinta oo ay cusbooneysiiyay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka 14-kii May waxay muujineysaa in dambiyada rabshadaha wata — oo ay ku jiraan afduubka iyo dilalka — ay si baahsan uga dhacaan guud ahaan Soomaaliya, iyadoo jidadka waaweyn laga helayo koontaroollo sharci-darro ah.

“Kooxaha argagixisada ayaa weli qorsheynaya weerarro ku wajahan garoomada diyaaradaha, dekedaha, dhismayaasha dowladda, hoteellada, makhaayadaha, goobaha ganacsiga, iyo meelaha dadku ku badan yahay, iyagoo adeegsanaya weerarro qaraxyo ah, weerarro ismiidaamin ah, rasaas toos ah, iyo gantaallo,” ayey tiri digniinta.

Shaqaalaha dowladda Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu koobay gudaha xerada garoonka caalamiga ah ee Muqdisho, halkaas oo ay ku taallo safaaradda Mareykanka. Inkastoo safaaraddu ay si caadi ah u shaqeyso, awoodda ay dowladda Mareykanku ugu caawiso muwaadiniinteeda gaarka ah gudaha Soomaaliya waa mid aad u xaddidan sababo la xiriira xaaladda amni, ayey tiri waaxda arrimaha dibedda.

Inkastoo deegaanno sida Somaliland ay mararka qaar ay ka jiraan xaalado ka deggan dhanka argagixisada, digniintu waxay caddeyneysaa in rabshado iyo weerarro ay ka dhici karaan meel kasta Soomaaliya waqti kasta.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagu dhiirrigeliyey inay si dhow ula socdaan warbaahinta maxalliga ah, cusbooneysiiyaan dukumentiyadooda safarka, isla markaana diyaar u ahaadaan qorshayaal degdeg ah oo aan ku tiirsaneyn gargaarka dowladda Mareykanka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ka digtay caqabadaha caafimaad ee Soomaaliya. Xarumo caafimaad oo tayo liidata iyo adeegyo caafimaad oo aad u kooban, ayey tiri, in ay ka jiraan Soomaaliya, gaar ahaan meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

“Safrayaashu waa in ay wataan dawooyin ku filan, la socdaan tallaalka lagama maarmaanka ah — oo ay ku jiraan kuwa jadeecada, jadeecada cagaaran, cudurka xiiqda, cudurka shuban biyoodka, cudurka rabies-ka, iyo qaadashada daawooyinka kahortagga duumada,” ayey tiri

“Burcad-badeeddu wali waa halis weyn xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan nawaaxiga Puntland, halka afduubkuna uu si baahsan u faafay guud ahaan dalka. Waxaa sidoo kale jira warbixino isdaba joog ah oo sheegaya in muwaadiniinta Mareykanka lagu hayo xarumo loogu yeero “xarumaha dhaqan-celinta” oo aan la daadejin, ama in xigtadooda ay ka qaataan baasaboorrada, taasoo ka hor istaagaysa inay dib ugu laabtaan dalka.”

Iyadoo loo marayo khataraha ka imaanaya hawlaha kooxaha xagjirka ah, Hay’adda Duulista Hawada Mareykanka (FAA) waxay mamnuucday qaar ka mid ah duulimaadyada Mareykanka ee ku socda ama dul mara hawada Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka waxay si xoog leh ugu boorisay dadka safar u qorsheynaya Soomaaliya inay qaataan taxadarrro dhammaystiran, oo ay ku jiraan samaynta wasiyadda, magacaabidda wakiil sharciyeed, la wadaagista dukumentiyada muhiimka ah qoysaska, ka diiwaangelinta safarkooda barnaamijka STEP (Smart Traveler Enrollment Program), iyo diyaarinta qorsheyaal amni iyo isgaarsiin oo dhameystiran ka hor safarka.

Faahfaahin dheeraad ah waxaa laga heli karaa Bogga Xogta Dalka Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka. Click here. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this