Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo war culus kasoo saartay tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo tallaabadii uu qaaday madaxweyne Xasan Sheekh, kadib dhismaha xisbigiisa Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).

Ugu horreyn Jubaland ayaa shaaca ka qaaday in madaxweyne Xasan uu muujiyay xilkasnimio darro wayn, isla markaana uu ku fashilmay hoggaaminta dalka.

Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay in dalka uu galay xaalad halis ah, isla markaana madaxweynaha uu qaaday dhabihii kalitalisnimada, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale tallaabada uu qaaday Xasan Sheekh ayay Jubaland ku tilmaamtay mid liddi ku ah dastuurka, ayna dhaawacweyso midnimada dalka.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa intaasi kusii daray in la maroorsaday awooddii baarlamaanka, isla markaana ay fadhiid noqdeen xildhibaannada labada gole.

“Waxaa si cad loo baalmaray doorkii labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, oo markii la maroorsaday dhammaan awoodihii uu lahaa, noqday fadhiid aan sidii la rabay u gudan waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo korjoogtaynta Xukuumadda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubaland.

Waxaa kale oo ay Jubbaland ku baaqday in la qabto shir deg-deg ah oo wadatashi ah, iyada oo ka dalbatay saamileyda siyaasadda iyo bulshada rayidka inay u istaagaan badbaadinta dalka.

“Dowladda Jubbaland waxay ugu baaqeysaa dhammaan saamileyda siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in loo istaago bad-baadinta dowladnimada curdunka ah ee aan haysano” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Jubaland.

Ugu dambeyn waxa ay farriin culus u dirtay beesha caalamka oo ay ugu baaqday in ay qaado tallaabo deg-deg ah, si wax looga qabto xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

497565832_1255233815958506_8874943122633

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this