Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbaxyo rabshado wata oo ka bilowday Burco – Maxay diidan yihiin?

Recommended Posts

Deeq A.   

Burco (Caasimada Online) – Banaanbaxa ballaaran oo lagaga soo horjeedo maxaabiis la sheegay inay sii deynayso xukuumadda Somaliland ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa la sheegay inay si weyn uga caroodeen wararka sheegaya in Somaliland sii deynayso maxaabiis, iyadoo weli SSC ay gacanta ugu jiraan saraakiil iyo askar reer Somaliland ah.

Banaanbaxayaasha ayaa codkooda si cad u muujiyay iyaga oo dalbanaya in marka hore la soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, ka hor inta aan wax maxaabiis ah laga sii daynin dhinaca kale.

Waxay sheegeen in tallaabo kasta oo lagu sii daayo maxaabiista SSC-Khaatumo aanay caddaalad ku fadhiyin haddii aan la helin isla tallaabo lamid ah oo maxaabiista Somaliland loogu soo celinayo.

Banaanbaxan ayaa sababay in la xiro waddooyin muhiim ah oo magaalada Burco ah, iyadoo dadku ay gubeen taayirro, kana hor yimaadeen ciidamada ammaanka oo isku dayay in ay kala dareeriyaan dadka.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin wararka sheegaya in maxaabiista la sii daynayo, haddana baraha bulshada ayaa si ballaaran loogu baahiyay arrimahaasi. Wararkaasi waxay ahaayeen kuwo ka yimid dad madax-bannaan, mana jiraan wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda, taas oo su’aalo badan ka dhalisay saxnimada iyo ujeedada wararkaasi.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dhawaan soo jeediyay in xukuumaddu ay sii dayso dhammaan maxaabiista ay hayso, isagoo caddeeyay in aan la aqbali karin wada-hadal lagu saleeyo maxaabiista, kuna dooday in taasi ay wax u dhimayso jiritaanka Somaliland.

Wuxuu sidoo kale ku taliyay in salaadiin ka socda Deegaanka Soomaalida loo adeegsado sidii loo heli lahaa xal lagu soo daayo maxaabiista Somaliland ee ku jira gacanta SSC Khaatumo.

Si kastaba, maamulka SSC Khaatumo ayaa dhankooda ku cel-celiyay in xal kasta oo ku saabsan maxaabiista uu ku iman karo oo keliya iyada oo labada dhinac ay u arkaan is-dhaafsi rasmi ah oo u dhexeeya laba maamul oo siman. Waxa kale oo ay shuruud uga dhigeen in Somaliland ay ka tanaasusho dhulka lagu muransan yahay, taas oo xoojinaysa xiisadda taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this