Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xasan Sheekh oo u baxaya safar dibadeed + Qorshaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay u ambabaxaan magaalada Baqdaad ee caasimada Ciraaq, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha uu casuumaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaas, isla markaana uu dhowaan u duulayo Baqdaad.

Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale la xiriira ka qayb-galka shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dalkaasi ka furmi doona bilowga todobaadka soo socda, isla markaana ay martigelineyso dowladda Ciraaq.

Sidoo kale waxaa haatan wafdi u hordhac u ah booqashada madaxweynaha ay gaareen dalka Ciraaq, waxaana hoggaaminayo wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo kulamo ka bilaabaya halkaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale kasii qayb-galaya shirka heer wasiir ee Jaamacadda Carabta ee loogu gogol-xaarayo shir-madaxeedka Carbeed ee loo tegayo dalka Ciraaq, kaas oo furmi doono May 17, 2025.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxda Carbeed ay ka wada-hadli doonaan arrimo xasaasi oo qeyb ka ah arrinta Qasa iyo xaaladaha kasoo kordhay gobolka.

Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa sidoo kale qorshuhu yahay inuu khudbad ka jeediyo shirka, taas oo uu uga hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha Carabta.

Waxaa kale oo uu kulamo duceedyo la yeelan doonaa madaxda dowladda Ciraaq iyo kuwa Jaamacadda Carabta ee ka qayb-galaya shirka ka dhacaya Baqdaad oo ah, kalkiisa 34-aad.

Soomaaliya ayaa xubin firfircoon ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, iyada oo door wayn ka qaadato go’aannada xasaasiga ah ee uu ururka ka gaarayo gobolka iyo xaaladaha taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this