Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiis amni oo Soomaaliya lasoo gashay…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan milatariga iyo amniga.

Heshiiskan ayaa waxay horey dowladda Soomaaliya ula gashay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana maanta heshiiskan golaha usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka.

Sidoo kale waxaa golaha looga warbixiyay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, arrimaha la xiriira xajka, iyo sidoo kale warbixin la xiriirta hawlaha Guddiga Taakuleynta Dagaalka Khawaarijta.

Si kastaba, heshiiskan uu maanta ansixiyay Golaha Wasiirrada ayaa xoogga saaraya horumarinta iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, wax ka qabashada dhinacyada muhiimka ah sida la dagaalanka argagixisada, wadaagga sirdoonka iyo tayeynta ciidamada Soomaalida.

Heshiiskan ayey ujeedadiisu tahay in la xoojiyo qaab dhismeedka amniga labada dal, taasoo u ogolaanaysa habab isku xiran oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka.

Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo wanaagsan, iyadoo xukuumadda Riyad ay dhinacyo badan ka taageerto xukuumadda Muqdisho, oo haatan dagaal adag kula jirta kooxaha argagixisada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this