Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Maxaa ka cusub kiiska kufsiga labada gabdhood ee walaalaha?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland, gaar ahaan kuwa Booliska ee gobolka Nugaal ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan inuu kufsi u gaystay laba gabdhood oo walaalo ah, kadib howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garoowe.

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir ayaa haatan lagu xiray saldhigga galbeed ee Garoowe, waxaana ku socda baaritaanno dheeraad ah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in kufsiga uu dhacay habeenkii 11-ka May 2025, isla markaana labada gabdhood oo lagu xadgudbay laga helay bannaanka agagaarka xaafadda Booray ee magaaladaasi.

“Falka kufsiga ayaa dhacay habeenkii 11-ka May 2025, abaare 4:00 habeenimo, agagaarka xaafadda Booray ee magaalada Garoowe. Labada gabdhood ee dhibbanayaasha ah ayaa laga helay bannaanka xaafaddaas iyadoo lagu xadgudbay, waxaana markiiba bilaabmay baaritaanno ay fuliyeen Qeybta Baarista Dembiyadda ee CID-da Gobolka Nugaal” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay gaari uu watay eedeysanahayoo lagu raad-jooga, maadaama la tuhunsanaa in falka lagu gaystay..

Waxaa sidoo kale la qabtay labo gaari oo kale oo la tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen falkaas isla markaasna uu adeegsaday.

Puntland ayaa sidoo kale si adag u cambaareysay falkan kufsiga ah ee lagula kacay labada gabdhood oo kasoo jeedo qoys dan-yar ah, waxayna sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono dambiilayaasha.

“Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareyneysaa falalka arxan darrada ah ee lagu beegsado carruurta iyo dadka nugul, waxayna caddeyneysaa in eedaysanayaashu ay wajihi doonaan caddaalada iyadoo loo marayo nidaamka garsoorka ee dalka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Horay deegaannada Puntland, waxaa sidaan oo kale uga dhacay falal kufsi iyo dil isugu jiro, waxaana qaarkood go’aanno kasoo saaray maxkamadaha maamulkaasi, iyada oo weli ay muuqato in dhibaatada iyo tacaddiyada loo gaysanayo dumarka ay kasii socoto Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this