Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo weerar uga jawaabay diidmada siyaasiyiinta mucaaradka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qeyb-galay munaasabadda xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayaa si adag uga jawaabay diidmada ka imaanaysa madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee doorashada qof iyo cod.

Madaxweynaha ayaa marka hore sii adkeeyay in ay ka go’an tahay in dalka laga hirgeliyo doorashooyin qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda, isagoo xusay in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha ay caasimadda uga socoto si habsami leh.

Mucaaradka ayuu ku eedeeyay inay diidan yihiin hore u socdka dalka, isla markaana la aado nidaamka axsaabta, si dib loogu celiyo bulshada waxa ay xaqa u leeyihiin ee ah inay soo doortaan hoggaankooda.

“Xildhibaannadii labada saacadood jeebka lagu soo ridanayey kuwii soo xushay kama faa’iidin, bal maxay mar kale ku falayaan! Waa laysku dilayaa markaan, dadkii la boobay mar kale lama boobi karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo tilmaamay in la isku dilayo haddii doorasha dadban la aado markale, uuna xalku ku jiro doorasho qof iyo cod.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta in ay soo bandhigaan barnaamijyadooda iyo aragtiyahooda ku aaddan qarannimada iyo dowlad-dhiska, halka ay ku mashquulsan yihiin dhaliisha guulaha dowladda iyo barnaamijyada hortabinta u leh dalka, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin talada, lagana gudbay xilligii kooxo gaar ah ay isku jaangooyn jireen masiirka iyo mustaqbalka dalka.

“Siyaasiga dhahaya hal guuto oo ciidan dagaalami karto majirto ma Al-Shabaab ayuu taageerayaa, wuxuuse sii leeyahay Shabaab ayaa Muqdisho qabsan rabto, balaayo ayaa soo socota, anaga ma fahmin ula jeedkiisa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

Hadalka madaxweynaha ayaa jawaab u ah bayaan ay shalay soo saareen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo ka biyo diiday sida uu madaxweynaha wax u wado iyo hanaanka doorasho ee aan loo dhameyn.

Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa iyagu ku baaqay in la isugu yimaado wadatashi deg-deg ah oo laga soo qayb-gelinayo bulshada, kaas oo ay sheegeen in lagu samata-bixinayo dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this