Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo baaq deg deg ah oo ku saabsan xaaladda Calmiskaad u dirtay daneeyaasha Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1747108451208.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Puntland oo baaq deg deg ah u dirtay Beesha Caalamka ayaa ka dalbatay in laga qeyb geliyo barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya, ee ay maalgeliyaan hay’adaha daneeya nabadda iyo Xasilinta dalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland ayay ku dalbatay in Puntland laga qeyb geliyo barnaamijyada Xasilinta Soomaaliya oo ay hadda ka maqan tahay, maadaama ay baahi weyni ka jirto degaannada Calmiskaad ee laga xoreeyay argagixisada ISIS iyo sidoo kale degaannada Calmadow ee qorshaysan in laga saaro argagixisada AS.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Beesha caalamka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee daneeya arrimaha nabadda iyo xasilinta Soomaaliya in dawladda Puntland laga qaybgeliyo barnaamijyada xasilinta ee ay hadda ka maqantahay, maadaama ay baahi-weyn ka jirto deegaanada Cal-miskaad ee argagixisada laga horeeyey iyo kuwa qorshaysan ee Calmadow” ayay dalbatay Puntland.

Baaqaasi ayaa daba socday Shir ku saabsan barnaamijka Xasilinta Calmiskaad oo ka furmay degmada Carmo ee gobolka Bari, kaasi oo ajandihiisa dowladdu ku sheegtay qiimaynta baahiyaha rasmiga ah ee ka jira degmooyinka uu saameeyey dagaalka lagula jiro argagixisada ee buuraha Calmiskaad, si loo helo xog-ururin saldhig u noqota barnaamijyada Xasilinta degaannadaasi.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo baaq deg deg ah oo ku saabsan xaaladda Calmiskaad u dirtay daneeyaasha Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this