Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland Oo La Kulmay Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

 

img_1_1746967625732.jpg

img_2_1746967641484.jpg

img_3_1746967656396.jpg

img_9_1746967777081.jpg

img_8_1746967743112.jpg

img_7_1746967727599.jpg

img_6_1746967711732.jpg

img_5_1746967696305.jpg

img_4_1746967679694.jpg

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, waxana laga wada hadlay hab-sami-u-socodka hawlaha muhiimka ah ee ay KDQ u hayaan Qaranka.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha KDQ ku bogaadiyey qaabka ay u maamuleen una suurto geliyeen qabsoomidda doorashooyinkii isku sidkanaa
(Madaxtooyada iyo tii Axsaabta Siyaasiga ah) ee ka qabsoomay dalka, 13-kii November 2024.

Madaxweynuhu waxa uu Xubnaha KDQ u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, hagar-bax iyo masuuliyad dheeraad ah, taasoo ay Beesha Caalamku si weyn inoogu bogaadiyeen doorashooyinka hufan ee ka hirgalay dalkeena.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Komishanka Doorashooyinka Qaranka uga mahad celiyey doorka farsamo iyo ka aqooneed ee ay ku lahaayeen suurto gelinta Diwaangelinta Biometric-ga ah ee Qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka JSL. Madaxweynuhu waxa uu KDQ u xaqiijiyey in Xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay kala shaqayso wixii arrimo ah ee kaga xidhma xaggeeda.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku iyaguna dhinacooda waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahad celiyeen la kulankooda, waxa aanay uga xog warrameen hab-sami-u-socodka hawlaha ay u xilsaaran yihiin. KDQ waxa ay sheegeen in ay sameeyeen cilmi baadhis qoto dheer oo la xidhiidha caqabadaha ka soo baxay doorashooyinkii ina dhaafay, casharrada laga bartay iyo arrimaha u baahan in la saxo, si aanay mar kale u dhicin.

Kulanku waxa uu ku soo gabagaboobay guul iyo is-afgarad iyo in laga wada shaqeeyo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka JSL.

𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇

𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this