Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamaas oo sii deynaysa mid kamid ah maxaabiista ay gacanta ku hayso 

Recommended Posts

Deeq A.   

Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii deynayso Edan Alexander oo ah nin haysta dhalashada Mareykanka, islamarkaana kamid ah dadka ku xiran marinka Qasa taniyo sanadkii 2023-kii.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo arrintan ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in Alexander uu dhowaan dib ugu soo laaban doono dalkiisa, ayadoo dowladaha Qatar iyo Masar ay si weyn u soo dhoweeyeen sii deyntiisa oo ay ku tilmaameen tillaabo loo qaaday dhinaca wada-hadalka lagu doonayo xabbad-joojin dib uga hirgasha Qasa.

Saraakiisha sare Xamaas ma aysan sheegin xilliga la sii dayn doono Alexander, oo ah 21-jir askari horay uga ka tirsanaa ciidamada Israa’iil, kaasoo ku dhashay kuna koray New Jersey, balse ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay u badan tahay inay dhici doonto Sii daynta Alexander, oo la rumeysan yahay inuu yahay la haystii ugu dambeeyay ee haysta dhalashada Mareykanka, islamarkaana ay gacanta ku hayso Xamaas.

Tillaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu todobaadkan booqan doono bariga dhexe, wuxuuna Ergaygiisa gaarka ah ee arrimaha la haystayaasha Adam Boehler sheegay in wararka ku saabsan sii deynta Alexander ay tahay tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this