Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee xal loogu heli karaa biyaha fariista jidadka xilliga roobka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Biyaha fariista jidadka xilliga roobku waa dhibaato ka jirta magaalooyin badan oo kamid ah dhulka Soomaalida, waxayna kamid tahay caqabadaha dabiiciga ah ee soo noq noqda, islamarkaana u baahan qorshe maamul iyo xal u helid kama dambeys ah.

Dhibaatadabi waxay sababtaa burbur ku yimaada kaabayaasha dhaqaalaha, cudurro faafa, iyo carqalad ku timaadda isu socodka bulshada, iyo bilic xumo deegaan oo aan la dhayalsan karin.

Sababaha Keena Biyaha Fariista Jidadka

Dhawr arrimood ayaa sababa in biyuhu ay fariistaan jidadka iyo goobaha faras magaalaha ah, waxaana kamid ah:

1) La’aanta Nidaam biyo-mareen.

Magaalooyin badan kuma filna marinnada biyaha roobku, qaarkoodna gebi ahaanba kama jiro hannaankaasi, waana midda keenaysa in biyuhu ay waayaan meel ay ku qulqulaan, ka dibna ay jidadka waro ka sameystaan.

2) Jidadka oo aan lahayn qaab dhismeed sax ah:

Biyuhu waxay fariistaan godadka iyo meelaha burbursan, sidaas awgeed qaab dhismeed aan wanaagsanayn iyo dayaca waddooyinku waxay keeni karaan in dhabbeyaasho qaar ay biyo dageen noqdaan.

3) Qashin ku xirma biyo-mareennada:

Qashinka lagu daadiyo marinnada biyaha wuxuu sababaa inay xirmaan bullaacadaha iyo tubbooyinka loogu tala-galay inay biyaha gudbiyaan.

4) Dhismo sharci-darro ah:

Guryo ama suuqyo laga dhisay goobaha aan loogu tala-galin ama hareeraha marinnada iyo biyo-dhacyada dabiiciga ahi waxay xanibayaan qulqulka biyaha.

Haddaba Biyaha fariista jidadka magaalooyinka ay kamid tahay caasimadda Muqdisho waa dhibaato xal u baahan, waxaana lagama maarmaan ah in la isku daro qorsheyn sax ah, wacyigelin bulsho, iyo maalgashi farsamo, si meesha looga saaro caqabadda xilli roobaad kasta taagan.

 

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this