Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaad hubeysan oo dad iyo gaadiid ku xanibay gobolka Shabeellaha Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Shabeellaha Dhexe – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in todobo gaari oo ka baxay magaalada Muqdisho kuna sii jeeday magaalada Gaalkacyo in lagu afduubtay deegaanada u dhaxeeya Wargaadhi iyo Cad-cadey, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaadiidkan oo ay saarnaayeen ilaa 130 qof, ayaa la sheegay in ay hadda ku xayiran yihiin deegaankaasi, iyadoo la rumeysan yahay in ay gacanta ugu jiraan maleeshiyaad deegaanka kasoo jeeda.

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in maleeshiyaadka afduubka geystay ay ku andacoonayaan in tallaabadan oo kale ay horay uga dhacday Matabaan oo gaadiid looga dhacay.

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo degdeg ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xaaladda, lana soo daayo dadka shacabka ah ee la afduubtay. Warar hoose ayaa tilmaamaya in kulamo degdeg ah ay wadaan saraakiisha ammaanka iyo odayaasha dhaqanka si xal waara looga gaaro arrintan.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this