Deeq A. Posted yesterday at 09:00 AM Muqdisho (Caasimada Online) – Aabe Cabdicasiis Maxamed oo dhalay marxuumad Luul oo horay uu u gubay seygeeda ayaa ka hadlay warar lagu baahiyay barahah bulshada oo sheegayay in la sii daayay xukunsane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo horay loogu helay inuu gubay marxmuuddda oo xaaskiisa ahayd. Aabe Cabdicasiis oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle Tv ayaa beeniyay wararka la faafiyay, wuxuuna sheegay inay ka dambeeyeen dadl dano gaar ah leh oo uu tilmaamay in beenta ay lacago ka helaan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in weli uu xiran yahay Sayid-Cali, ayna xukumeen saddexda heer maxkamadeed ee dalka, wuxuuna mar kale ku celiyay inay go,’aankooda uu weli sidiisii yahay, ayna rabaan toogasho oo kaliya. waxaa kale oo uu meesha ka saaray in ehellada labada dhinac ay si hoose uga wada-hada-hadleen kiiska. “Media-yaha waa lagu yaqaanaa beenta iyo borobagaandada in Sayid Cali lasoo deeyay ma jirto maxkamadaa xukuntay saddex jeer bey xukuntay, anigane waan sheegay inaan qaadaneynin diyo”ayuu yiri Aabe Cabdicasiis. Waxaa kale oo uu tilmaamay inay ka war sugayaan dowladda Soomaaliyeed oo uu gacanteeda ku jiro Sayid-Cali, wuxuuna ku baaqay inay shaqeyso cadaaladda. “Annaga dowladda gacanteeda ayaan ku ognahay fulinta xukunka ayaana sugeynaa, taas oo kaliya ayaan ku qanceynaa” ayuu mar kale yiri Aabe Cabdicasiis. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ay arrinta ay u taalla Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayna sugayaan saxiixiisa si loo fuliyo qisaasta marxuumad Luul Cabdicasiis. Hadalkan ayaa meesha ka saaraya warar aad u faafay oo ku aadanaa in lasii daayay Sayid-Cali, kaas oo hadda beenoobay, waxaana ka dhashay hadal-heyn xooggan. Kiiska Luul Cabdicasiis ayaa ahaa mid xasaasi ah oo dhaliyay saameyn aad u wayn, kadib markii uu saygeeda oo hadda xiran uu nolosha ku gubay, kaas oo isna dil lagu xukumay. Si kastaba, waxaa hadda kaliya la sugayaa fulinta xukunka oo aad u daahday, maadaama maxkamadaha dalka ay horay go’aan kama dambeys ah uga gaareen arrinta Sayid Cali. Share this post Link to post Share on other sites