Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed oo taageeray tallaabada uu qaaday Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ee ku mideysan Madasha Maanshiil oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay arrimo ku aadan natiijada kasoo baxday shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka, iyaga oo soo dhoweeyay go’aannada diidmada ee ka yimid Mareykanka.

Bayaanka kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad loogu diiday qodobada ay soo saareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, wuxuuna ku taliyay in lagu soo noqdo sharciga, lana aado doorasho wada ogol ah.

Mucaaradka Koonfur Galbeed oo ka falceliyay tallaabada Mareykanka ayaa tilmaamay in bogaadin ay mudan tahay, ayna soo dhaweynayaan.

Sidoo kale, waxa ay soo dhaweeyeen dadaallada beesha caalamka ee la xiriira xaaladda Soomaaliya, si xal looga gaaro muranka taagan ee ka dhashay hanaanka doorashooyinka dalka.

“Madashu waxay aqoonsan tahay taageerada muhiimka ah iyo taageerada joogtada ah ee beesha caalamka, gaar ahaan Dowladda Maraykanka, ee ku aaddan dib u soo kabashada iyo dowlad dhiska Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Maanshiil.

Waxaa kale oo ay soo jeediyeen in khilaafka siyaasadeed ee taagan lagu xalliyo wadahadal, ayna dowladda federaalka fursad siiso dhinacyada kasoo horjeedo.

Madasha ayaa ugu dambeyn madaxda qaranka ka dalbatay inay ilaaliyaan sharciga, ayna kusoo noqdaan xeyndaabka dastuurka, si looga gudbo xaaladda adag ee lagu jiro.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeer, waxaana kasii daray khilaafka gudaha, kadib qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa dhaliyay sii kala fogaasho xoogleh, waxaana ka maqnaa Jubbalanad iyo Puntland, halka xubnaha mucaaradkana ay qaadaceen go’aannada soo baxay iyo guud ahaan qorshaha dowladda ee la xiriira doorashooyinka dalka.

IMG_0353.jpeg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this