Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Gabar iska soo tuurtay dabaq ku yaalla Muqdisho iyo sababta ka dambeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaddib markii gabar iska soo tuurtay dabaq.

Gabadha oo lagu magacaabo Maryam Xuseen Xasan ayaa si kas ah iskaga soo tuurtay dabaq saddex biyaano ah. Maryam oo uu ka muuqdo dhaawac culus ayaa maanta la hadashay warbaahinta.

Maryam oo xaas ahayd ayaa sheegtay inay dabaqa iskaga soo tuurtay ciil ay ka qaaday saygeeda oo ah askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka. Maryam oo haysata cunug yar ayaa sheegtay in ninkeeda iyo ehelkiisa ay ku deyriyeen, isla markaana uu guursaday naag kale.

“Naag kale ayuu guursaday, kaddibna waa isku fahmi waynay, markaas ayuu i furay. Cunuggii ayuu iga reebay. Markaas kaddib degmada Shibis ayaan ka dacweeyay, cunuggii waa la iga qaaday. Hadda deyntii ayaa la iga rabaa uu dhiibay tukaanka,” ayay tiri Maryam.

Waxay intaas ku dartay: “Dabaqa waxaa iskaga soo tuuray stress iyo cayda uu isoo caayayo, inta aan usoo samrayay waa arki waayay, buuq ayuu igu furay, aniguna madaxa ayaa ka xanuusanaa.”

Maryam ayaa sheegtay in culeyskii ka hayay ninkeeda ay kala tageen darteed ay go’aansatay inay is disho, sidaas darteedna ay iska soo tuurtay dabaqa. Balse saacaddu waa xilligeede, waxaa dhacdadaas kasoo gaaray dhaawac culus.

“Biyaannada u koreysa ayaa kas iskaga soo tuuray si aan isku dilo, waxaan isku soo tuuray caburiska iyo cayda, iyo inta aan u samraayay,” ayey hadalkeeda sii raacisay Maryam Xuseen Xasan.

Hoos ka daawo muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this