Deeq A. Posted yesterday at 03:10 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay in la qaaday xayiraaddii saarneyd duulimaadyada tegi jiray magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Tallaabadan ayaa timid kadib muddo uu hakad ku jiray socdaalka diyaaradaha sababo lagu sheegay mid amni, waxaana laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka May 2025, si buuxda loo fasaxay in diyaaradaha ay mar kale isticmaalaan garoonka degmadaasi. Warqadda kasoo baxday Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Fartaag ayaa si cad u tilmaantay sababtii horay loo xiray garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow. Waxaa lagu xusay in 23-kii December 2024, diyaaradda Halla Airlines oo lahayd duulimaad u dhaxeeyay Muqdisho iyo Kismaayo la afduubay iyadoo ku sugnayd garoonka magaalada Kismaayo, taas oo si sharci darro ah looga dajiyay garoonka Doolow. Arrintaasi ayaa keentay in Dowladda Federaalka ay si ku-meelgaar ah u hakiso duulimaadyadii tagi jiray magaalada Doolow, si loo xaqiijiyo nabadgelyada garoomada dalka. Wasiir Fartaag ayaa sheegay in xaaladdaas ay baalmarsaneyd sharciga duulista hawada Soomaaliyeed, isla markaana ay qasab ka dhigtay in la sameeyo qiimeyn amni oo lagu hubinayo xasiloonida garoonka. Si kastaba, dowladda ayaa sheegtay in markale dib u eegis ku samaysay xaaladda, iyadoo la tixgelinayo baahida ay dadka reer Gedo u qabaan isticmaalka garoonka, gaar ahaan iyadoo lagu jiro xilli ay dad badani u socdaan gudashada acmaasha Xajka. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka degmada Doolow, oo kaashanaya laamaha amniga gobolka ay ballan-qaadeen in ay si buuxda u ilaalin doonaan ammaanka iyo xorriyadda dadka safarka ah. Dib u furista garoonka ayaa muhiimad gaar ah u leh dadka deegaanka, kuwaas oo qaarkood u socday adeegyo caafimaad iyo arrimo ganacsi. Dadkaasi ayaa mudadaas waayay marin rasmi ah oo ay caasimadda Muqdisho kaga dhoofaan ama ugu yimaadaan. Xukuumadda Federaalka ayaa ugu baaqday dhammaan hay’adaha amniga iyo maamulka degmada Doolow in ay si dhow ula socdaan xaaladda garoonka, si loo ilaaliyo amniga guud, loogana hortago wax kasta oo khatar ku keeni kara isku socodka dalka iyo haykalka dowladnimada. Si kastaba, Dowlad-goboleedka Jubaland ayaa horay si cad uga soo horjeesatay xayiraadda, iyada oo ku eedeysay Dowladda Federaalka in ay tallaabadaasi u adeegsatay cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah shacabka degmada Doolow. Labada dhinac ayaa kala furtay kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe. Share this post Link to post Share on other sites