Sign in to follow this  
Deeq A.

K/Galbeed oo shaacisay in abaabul hubeysan oo ka dhan ah uu ka socdo Xamar

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in jabhad hubeysan oo khatar ku ah amniga maamulka laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Maxamed Ibraahin Bilaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in jabhadan looga dan leeyahay qalqal-galinta xasiloonida iyo nabadda Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uusan marnaba aqbali doonin abaabul kasta oo lagu dhibaateynayo shacabka deegaanka, isla markaana laga leeyahay dano gaar ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Koox Muqdisho joogta oo qas iyo fowdo abuureysa in naloo soo raro ma aqbali doono,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed, Maxamed Bilaal.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiir Bilaal wuxuu carrabka ku adkeeyay in mowqifka Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu yahay mid taageersan hannaanka federaalka iyo dowlad-dhisidda Soomaaliya, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka qof iyo cod ah.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in maamulka Koonfur Galbeed leeyahay dowlad xooggan iyo shacab mideysan, taasoo ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo nidaamka maamulkaasi. Wuxuu intaas ku daray in cid kasta oo isku dayda inay carqaladeyso amniga maamulka ay la kulmi doonto jawaab adag oo sharci iyo mid ciidanba leh.

Wasiirka ayaa xusay in ay heleen xog rasmi ah oo caddeyneysa abaabulka jabhaddan, taasoo lagu diyaariyay Muqdisho, lana damacsan yahay in si qarsoodi ah lagu soo geliyo deegaanada Koonfur Galbeed, sidaas darteedna loo baahan yahay feejignaan buuxda.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina shacabka maamulka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan kooxaha doonaya in ay dhib u horseedaan deegaanka, isagoo ku booriyay in si dhow loola shaqeeyo hay’adaha amniga si loo helo xog kasta oo lagu sugi karo nabad-gelyada guud.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this