Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Wada-hadallo aysan qeyb ka ahayn Israel oo u billowday Xamaas iyo Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Doha (Caasimada Online) – Wadahadallo u dhexeeya Xamaas iyo maamulka Mareykanka oo ku saabsan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza iyo sidii gargaar bani’aadannimo loo gaarsiin lahaa deegaanka go’doonsan ayaa socda, sida uu Axaddii u sheegay Reuters sarkaal Falastiini ah oo arrimahaas si dhow ula socda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan mar kale ballanqaaday inuu gacan ka geysan doono sidii cunto gargaar ah loo gaarsiin lahaa shacabka Gaza. Wakiilka Mareykanka u fadhiya Israa’iil ayaa sidoo kale Jimcihii sheegay in hab cusub oo ay Washington taageerayso, laguna keenayo gargaar Gaza, uu dhowaan dhaqangelayo.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa yiri: “Ma faahfaahin karno wadaxaajoodyada socda, balse waxaan xusi karaa hadalladii dhowaan kasoo baxay Qatar iyo Masar ee muujinaya in ay sii wadaan dadaallada lagu raadinayo heshiis.”

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Xamaas ay mas’uul ka tahay bilowga dagaalka iyo dib u bilaabashada colaadda.

“Madaxweyne Trump wuxuu si cad u muujiyay cawaaqibta Xamaas kala kulmi doonto haddii ay sii haysato maxaabiista, oo ay ku jiraan Edan Alexander oo Mareykan ah iyo meydadka afar muwaaddin Mareykan ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Mareykanka ayaa horey ula yeeshay Xamaas wadahadallo ku saabsanaa sidii loo sii deyn lahaa muwaadiniinta Mareykanka ee lagu haysto Gaza.

Warbaahinta Israa’iil ayaa Axaddii werisay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu shir xiran oo uu la yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Difaaca uga sheegay in Xamaas ay dhowaan si “kala furan” u sii dayn karto Edan Alexander, oo ah maxbuus Mareykan-Israa’iili ah, si loo muujiyo kalsooni iyo is-faham uu la leeyahay Trump, oo toddobaadkan socdaal ku tagaya Bariga Dhexe.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi arrintan looga dalbaday.

Tan iyo 2-dii Maarso, Israa’iil waxay jartay sahaydii cunto, biyo iyo koronto ee ay heli jireen 2.3 milyan oo qof ee Gaza ku nool, iyadoo raashinkii keydsanaa intii lagu jiray xabbad-joojintii billowgii sanadka uu si weyn u gabaabsi noqday.

18-kii Maarso, Israa’iil waxay si rasmi ah u joojisay heshiiskii xabbad-joojinta ee bishii Janaayo la gaartay Xamaas, iyadoo mar kale bilowday olole millatari oo cusub oo ka dhan ah Gaza.

Xamaas ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii deyso dhammaan maxaabiista ay afduubteen 7-dii Oktoobar 2023 weeraradii ay ku qaadeen koonfurta Israa’iil, haddii Israa’iil si buuxda ciidamadeeda uga saarto Gaza isla markaana ay ogolaato xabbad-joojin rasmi ah.

Israa’iil oo ku adkeysaneysa in dagaalka la joojin doono oo keliya marka Xamaas gebi ahaanba laga takhaluso, ayaa sheegtay inay ballaarin doonto howlgalladeeda Gaza — dagaalkaas oo burbur baaxad leh sababay, isla markaana Qaramada Midoobay ay ka digtay inuu shacabka Qaza ku rido macluul degdeg ah.

Weeraradii Xamaas ee bishii Oktoobar 2023 ayaa lagu dilay 1,200 oo qof, halka 251 kale lagu afduubtay oo loo qaaday Gaza, sida ay sheegtay Israa’iil. Dagaalka Israa’iil ay ku qaaday Gaza ayaa ilaa hadda sababay dhimashada in ka badan 52,800 oo Falastiiniyiin ah, intooda badanna ay ahaayeen dad rayid ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this