Sign in to follow this  
Deeq A.

Geesigii Galbaday ! Ganacsade Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu-Zite

Recommended Posts

Deeq A.   

Geesigii Galbaday !

Ganacsade Maxamed Xaaji Cabdilaahi Abu-Zite

Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee waxaa maanta oo Jimce ah magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Maxamed Cabdillaahi X. Abu-Zite.

Marxuumkan oo ka soo jeeda Reer Magac iyo Maamuus weyn ku dhex leh Ummada Reer Somaliland iyo Ummada Soomaaliyeedba, waxa uu ahaa Halyeey garasho dheer, oo dadnimo iyo sharaf Allah u dhaliyay oo naxariis badan, ummadana aad u caawiya.

Arrimaha Gobonimada leh ee aan Kaysar ahaan uga soo joogay waxaan ka xusi karaa in maalin aniga oo ku sugan Xaafada Southall ee Galbeedka London oo qiyaas ahaan ahayd sanadkii 2003, ayaa Marxuum Maxamed Abu-site nin ku yidhi Xaaji Cabdi Waraabe ayaa lasoo sheegay inuu Hargeisa ku xanuunsanayo.

Markiiba Marxuum Maxamed intuu Taleefan diray ayuu qof Qoyskiisa reer Abu-site ka mid ah oo Hargeysa jooga uu la hadlay, wuxuu ku amrray inay degdeg Xaaji Cabdiwraabe ugu tagaan oo ay soo eegaan xaalkiisa, safar Caafimaad oo Dubai ahna ay u diyaariyaan. Xiligaas Maxamed wuxuu maamuli jiray diyaarada Daallo Airlines oo ka bixi jirtay Madaarka Gatwick Airport.

Isla wakhtiyadaa 2003 aniga oo Olole ugu jiray sidii Dalka Ciraaq loo soo daad-gurayn lahaa Arday badan oo reer Somaliland ahaa oo Dalkaas ku xanibnaa oo weerar ay ku qaadayeen Ingiriiska iyo Maraykanu, ayaan dedaal xooggan u galay in Ardaydaasi Ciraaq ka soo baxaan. Allah ha u Naxariistee Marxuumka oo aan arrinkaas ula tegay wuxuu igu yidhi Ciraaq cunoqabatayn ayaa saaran oo diyaarad uma diri karno, laakiin haddii ay meel kale ama Imaaraadka soo gaadhaan inay wax u tari karaan. Si kale ayaanu ardaydaas ku soo saarnay intoodii badnayd oo qaadhaano ayaanu ururinay.

Shakhsi Gob ah oo wax tar ah ayuu Allah ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Abu-site. Waxa uu ahaa Nin lagu xisaabtamo oo naxariis badan, dad aad u tiro badana si joogto ah u caawin jiray.

Allah Naxariistii Janno ha ugu deeqo, Qoyskii balaadhnaa ee uu ka baxay iyo dhamaanteenba Samir iyo Iimaan haka siiyo. Aamiin.

Kaysar

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this