Deeq A. Posted 9 hours ago Golaha Wakiilada ayaa loo gudbiyay Mooshin lagu dalbanayo in la joojiyo wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, kadib markii Xukuumaddu hore u soo jeedisay arrintaasi. Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada ayaa lagu wareejiyay la taliyaha sharciga ee Golaha si uu eego in uu waafaqsan yahay shuruucda iyo nidaamka mooshinada loo soo gudbiyo. Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay joojinayso wadahadalada Soomaaliya oo ay ku eedaysay in ay faro galin ku hayso arimaha khuseeya qaranimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Saab Qaran News Share this post Link to post Share on other sites