Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay biriq ku dhacday bartamaha magaalada…

Recommended Posts

Deeq A.   

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in biriq xooggan oo ku dhacday bartamaha magaalada ay sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale.

Dhacdadan ayaa si weyn uga nixisay bulshada deegaanka, iyadoo lala xiriirinayo roobab xooggan oo halkaas ka da’ay. Biriqda ayaa dhacday xilli roob mahiigaan ah uu si isdaba joog ah uga da’ayay magaalada iyo deegaannada ku dhow dhow.

Roobkaas ayaa socday muddo ku dhow todobo saacadood, isagoo sababay xaalado biyo-fadhis ah iyo khataro kale oo la xiriira cimilada.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, haweeney kamid ah dadka ku nool magaalada ayaa ku geeriyootay biriqda, halka laba ruux oo kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Labada dhaawac ah ayaa haatan lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee ku yaalla degmada Caabudwaaq.

Roobka xoogan ee da’ay ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay isku socodka magaalada iyo deegaanka ku hareeraysan. Waddooyinka waaweyn ee soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada ayaa biyo fariistay, taas oo hakad gelisay dhaq-dhaqaaqii gaadiidka iyo ganacsiga.

Roobabkan xooggan ee ka da’ay Caabudwaaq ayaa kusoo beegmaya xilli roobabka guga ay si rasmi ah uga curteen qaybo badan oo ka mid ah dalka. Roobabka ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo lagu qabowsaday, maadaama cimiladu ay muddooyinkii u dambeeyay aad u kululaatay.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in roobabka socda ay sii kordhiyaan dhibaatooyinka la xiriira daadadka, biriqda iyo dhibaatooyinka kale ee ka dhasha roobabka mahiigaanka ah.

Mas’uuliyiinta degmada ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, balse waxaa socda gurmad la xiriira dhaawacyada iyo qiimeynta saameynta guud ee roobka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this