Sign in to follow this  
Deeq A.

Caro xooggan oo ka dhalatay dil wiil dhalinyaro ah loogu geystay Beledxaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta gabi ahaanba ay xiran yihiin dhammaan ganacsiyada ku yaalay magaalada, kaddib markii dad caraysan ay sameeyeen bannaanbax ballaaran.

Dibadbaxa ayaa ka dhashay fal dil ah oo loo geystay wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali. Sida ay dadka deegaanka sheegeen, dilka wiilka waxaa geystay askari ka tirsan ciidanka dowlad-goboleedka Jubbaland.

Dadka mudaharaadayay ayaa dalbanaya in cadaalad loo helo Cabdiraxmaan, waxayna si adag uga codsadeen maamulka iyo hay’adaha ammaanka in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha falkan naxdinta leh.

Goob-joogayaal ku sugnaa halka falka uu ka dhacay ayaa sheegay in askarigii dilka geystay uu u baxsaday dhinaca xerada ciidamada Jubbaland oo ku taalla bannaanka magaalada Beledxaawo.

Illaa iyo hadda, maamulka degmada Beledxaawo iyo laamaha ammaanka ma aysan soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo ku saabsan dilka wiilka yar iyo xiisadda ka dhalatay.

Shacabka Beledxaawo ayaa muujinaya caro xooggan, waxayna xireen ganacsigooda iyaga oo ku muujinaya sida ay uga xun yihiin falka dhacay, kana dalbanaya in cadaalad deg-deg ah loo helo marxuumka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this