Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri khilaafka xisbiga Xasan Sheekh?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ka hadlay khilaafka dib u dhigay munaasabadda shaacinta xisbiga madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xisbigan oo ah kii hore ee UPD oo magac beddel lagu sameeyay iyo ballaarin, laguna soo daray qaar kamid ah maamul goboleedyada, ayaa waxaa ka biyo diiday hanaanka loo qeybsaday hoggaanka, madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen.

Fahad ayaa khilaafkan ku tilmaamay “wax lala yaabo” maadaama ah dhinacyadu isku haystaan wax aan soconeyn. “Haddeer, Xisbiga lagu murmaayo ee xilalkiisa lagu dagaalayo ee dooddeeda Villada ka dhex socoto maalmahan waa beenta ha iga beeneynin ee ii dhaaf beentayda,” ayuu yiri Fahad.

Shaacinta xisbigan cusub ee madaxweynuhu dib u habeynta ku sameeyay ayaa imanaya, iyadoo weli lagu muransan yahay hanaanka doorasho qof iyo cod ee gadaal ka riixayso Villa Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

BEENTA HA IGA BEENEYN

Laba nin oo reer Burco baa murmay. Mid baa yiri, waryaahee LAND-TAAN aad maqashaa waa been, oo wali nalama aqoonsan.

Ninkii kale, baa ugu jawaabay.
Waar heedhe i maqal, beentaas qudheeda ha iga beeneynin, ee ii dhaaf beentayda.

Haddeer, Xisbiga lagu murmaayo ee xilalkiisa lagu dagaalayo ee dooddeeda Villada ka dhex socoto maalmahan WAA BEENTA HA IGA BEENEYNIN EE II DHAAF BEENTAYDA.

War illeen tanoo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this