Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: SHARIIF oo fashilka dagaalka ku eedeyay Xasan, soona saaray war culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan siyaasadda iyo amniga, isagoo sheegay in dalka uu ku jiro xaalad aan indhaha laga qarsan karin una baahan in looga gudbo midnimo iyo wadajir.

“Dareenka bulshada Soomaaliyeed ee amni waa mid meel ay joogaanba khatar, maxaa yeelay laba sano ka hor deegaanadii laga xoreeyay Al-Shabaab inay dib ugu soo laabteen, uusan soconin dadaal ku wajahan arrimahaas oo wax looga qabanayo, taas oo runtii abuureysa walwal iyo walaac,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Shariif ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay in ay dayacday masuuliyaddii amniga, ayna dowladda Xasan Sheekh ku mashquushay waxyaabo aan wax kusoo kordhineyn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Dagaalka gaabis weyn ayaa ku yimid illaa dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba khatar dareemayaan. Waxaan ugu baaqayaa dowladda inay wajahaan marxaladda adag ee la joogo, dadka Soomaaliyeed waxay ka filayeen in sidan si ka wanaagsan u wajahdo xaaladda amniga.”

Waxa uu intaas kusii daray “Shirkii madasha waxaa la soconaa inuu kusoo gaba-gaboobay kaambeyn iyo in umaddii lasii kala geeyo oo la yiraahdo waxaa loo xuubsiibanayaa xisbi weyn, taasna waxay muujinaysa aragti gaabnimada.”

Dhinaca kale, waxa uu bogaadiyay ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee furimaha hore ku sugan, kuwaas oo uu sheegay in aysan helin taageeradii loo baahna oo ay ka gaabis dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa in aan marka hore u hambalyeeyo, bogaadiyo ciidamada qalabka sida iyi ciidamada difaaca shacabka, oo runtii muujiyay dhabar adayg xaaladda adag ee lagu jiro. Waxaan rabaa in aan uga tacsiyeeyo dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay, intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawacana caafimaad deg-deg ah Allaha siiyo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hoos ka daawo muuqaalka

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this