Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in aysan Beesha Caalamka hal dollar uga helin dagaalka ay kula jirto argagixisada Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1746454133105.jpg?resize=720%2C48

Dowladda Puntland ayaa maanta shaacisay in aysan beesha caalamka wax taageero maaliyadeed ah uga helin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, ee tan iyo bilowgii sannadkan ka soconaya buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta hadal ka jeediyay shir ka dhacay magaalada Garoowe ayaa sheegay in beesha caalamku aysan wax taageero maaliyadeed ah ku bixin dagaalka Calmiskaad, islamarkaana taageerada keliya oo ay dalalka qaar siiyeen ay ku kooban tahay dhinaca duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo argagixisada Daacish.

“Caalamku dal Dollar kuma bixin dagaalka aan kula jirno argagixisada Daacish. Waxaan aaminsannahay in dagaalka Daacish uu yahay kii ugu adkaa ee Soomaaliya iyo Afrikaba ka dhaca marka la eego la dagaallanka kooxaha argagixisada ee Caalamiga ah” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo maanta hadal ka jeediyay shir ka dhacay Garoowe.

Ilyaas Lugatoor waxa uu tilmaamay in Puntland qeyb ka mid ah miisaaniyaddeeda ay ku bixisay dagaalka ka dhanka ah Daacish, taasi oo sida uu sheegay muujinaysa sida ay Puntland isugu miisaamtay dagaalka ka dhanka ah argigixisada iyo bixinta adeegyada dowliga ah, oo ay ku jiraan mushaaraadka iyo adeegga kale.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo sheegtay in aysan Beesha Caalamka hal dollar uga helin dagaalka ay kula jirto argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this