Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ka tirsan Puntland oo mushaar la’aan uga soo baxay difaacii degaanka Af-Urur ee buuraha Calmadow

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1581618456579.jpg?resize=720%2C40

Ciidamo ka tirsan Puntland oo sheegay in ay mushaar la’aan ka gadoodsan yihiin ayaa ka soo baxay degaanka Af-Urur oo dhaca silsiladda buuraha Golis, gaar ahaanna Calmadow.

Qaar kamid ah ciidamadii ku sugnaa difaaca degaanka Af-Urur ee gobolka Bari ayaa soo banneeyay halkaasi, waxaana ay sheegeen in ay ka cabanayaan mushaar kaga maqan dowladda Puntland, islamarkaana ay dalbanayaan in si deg deg ah loogu fasaxo mushaarka iyo xuquuqda Ciidan ee ka maqan.

Saraakiil hoggaaminaysa ciidankaasi gadoodsan oo cod soo duubay ayaa sheegay in aysan wax mushaar iyo xuquuq ah qaadan mudda dhawr bilood ah, taasina sababtay in ay ka soo baxaan difaacii hore ee degaanka Af-Urur ee buuraha Calmadow.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo mushaar la’aan uga soo baxay difaacii degaanka Af-Urur ee buuraha Calmadow appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this