Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne hore Farmaajo oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku diyaarinayo doorasho hal dhinac ah oo uu xukunka ku sii joogo

Recommended Posts

Deeq A.   
Farmaajo-2.jpg?resize=1000%2C727&ssl=1

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa Madaxweynaha dalka, Xasan Sheekh Maxamuud wuxu ku eedeeyay”Burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka iyo qorshaha xukun-maroorsiga ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Madasha u beddelo xisbi isaga u gaar ah waxay khatar ku tahay midnimada iyo xasilloonida dalka, waxayna dib u dhigaysaa dowlad-dhiska iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.”

“Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya guddi doorasho oo aan haysan wax sharciyad ah, loona marin dhismihiisa habraacyadii dastuurka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu ahaa, taas oo caddeyn u ah in Madaxda dowladdu rabaan oo kaliya qabashada doorasho hal dhinac ah” ayuu yiri Madaxweyne hore Farmaajo.

Wuxuu sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in muddada kooban ee ka hartay muddo xileedkiisa dastuuriga ah aanu dalka gelin xaalad halis ah oo dhaawacaysa dowladnimada iyo wadajirka, mudnaantana siiyo shaqada qaran ee laga sugayey ee ka hortagga khatarta argagixisada, raadinta dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha iyo qabashada gogosha uu ballanqaaday ee Wadatashiga Qaran.

Madaxweyne hore Farmaajo wuxu sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada hadda qeybta ka ah shirarka Villa Soomaaliya, ee Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ugu baaqay in ay garowsadaan in waajib ka saaran yahay maslaxadda guud ee dalka iyo hannaan siyaasaddeed oo loo dhan yahay, ayna ka fiirsadaan ka mid noqoshada hanaan siyaasadeed iyo xisbiyo aan ku dhisneyn shuruuc la isla ogol yahay, taas oo dalka u horseedi karta kala tag siyaasadeed.

FB_IMG_1746637057218.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne hore Farmaajo oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu isku diyaarinayo doorasho hal dhinac ah oo uu xukunka ku sii joogo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this